Wednesday, January 1, 2014

Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenka oo furay Carwo Ganacsiyeedka lixaad. Dhegeyso


 







Hargeysa(GNA)-Carwadda lixaad ee Somaliland ayaa Maanta ka furantay Hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay tobaan shirkaddood ku soo bandhigayaan wax soosaarkooda iyo agabka ay ka ganacsadaan.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa furay Carwadaasi oo ay soo qaban qaabisay rugta Ganacsiga iyo Wershadaha somaliland.




Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo furitaankii Munaasibadda lagu daah-furay Carwada ka hadlay, ayaa sheegay inay ugu tallo-galeen inay Ganacsatada waddaniga ah iyo kuwa dalalka kale ku soo bandhigaan Ganacsigooda.




Masuuliyiin ka socda Shirkaddaha Carwadan ka qayb-galay ayaa iyaguna halkaasi kaga waramay waxyaabaha ay halkan ku soo bandhigi doonaan.




Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, ayaa sheegay in Carwadani qayb ka tahay horumarinta Ganacsiga waddanka, isla markaana ay sawir ka bixinayso baaxadda Ganacsiga waddanka.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay inay dawlad ahaan dedaal ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga dalka.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Madaxwayne-Carwo.mp3"][/audio]




Carwadan ayaa socon doonta  muddo todoba maalmooda, iyadoo ay dadku ka faa’idaysan doonaan badeecadaha kala duwan ee ay halkaasi ku soo bandhigayaan Ganacsatadu, oo qiimo dhimis balaadhan lagu sameeyay.




 







Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com