Cabdiraxmaan Uur-bayto ayaa bishii August Puntland kala soo goostay Maleeshiyaad hubaysan
Garoowe(GNA):- Siyaasi u dhashay Somaliland oo socdaal ku tegay caawa magaalada Garoowe Xarunta Maamul goboleedka Puntland,ayaa lagala baxay hudheelkii uu ku degay.
Cabdiraxmaan Xirsi Uurbeegte oo ka mid ah siyaasiyiinta u dhashay gobolka Sanaag ee Somaliland,ayay ciidanka Puntland caawa kala bexeen hudheelkii uu ku tegay isla caawa waxaanay u taxaabeen xabsiga.
Xaaji Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah odayaasha magaalada Garoowe kuna sugnaa hudheelka laga kaxaystay Cabdiraxmaan Uurbeegte oo khadka Taleefanka ugu warramay gobanimonews ayaa sheegay in lloola baxay Cabdiraxmaan Xirsi arrimo siyaasadeed isla markaana loo xidhay qadiyadda Somaliland.
“Caawa tobankii,ayay hudheelka Global soo galeen ciidan fara badan oo hubaysan waxaanay kaxaysteen Cabdiraxmaan Xirsi Uurbeegte oo wax yar ka hor qabashadiisa hudheelka ku soo degay.” Ayuu yidhi Xaaji Ismaaciil oo u warramay Gobanimonews,
waxaanu intaa raaciyay "Waxaa loo xidhay waa siyaasad muddooyinkan dambena wuxuu ka shaqaynayay qadiyadda Somaliland oo wuxuu oday ka ahaa ciidan beeleed dhawaan lagu qarameeyay ddegmada Fiqi Fuliye halkaas oo ay wasiiro Somaliland ahi ku qaabileen,intaa ka dibna wuxuu tegay magaalada Hargeysa.”
Xaaji Ismaaciil oo aanu weydiinay wuxuu ka ogyahay u jeedada socdaalkiisa uu ku tegay magaalada Garoowe,ayaa ku jawaabay.
“kollay wuxuu u socday arrimo siyaasadeed waxaanan filayaa inuu doonayay inuu ka mid noqdo xubnaha Baarlamaanka Puntland waxaanu aad uga soo hor jeeday siyaasadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole,waxaanan idiinka mahad celinayaa sidaad noola soo xidhiidheen haddaad tihiin bahda warbaahinta Somaliland" ayuu yidhi Xaaji Ismaaciil oo khadka taleefanka noogu warramay
Siyaasigan u dhashay Somaliland ee caawa lagala baxay Global Hutel Garoowe,ayaa dhawaan Somaliland ku wareejiyay maleeshiyo beeleed loo qarameeyay ciidanka Qaranka Somaliland.
Maleeshiyadaasi ayuu kala yimi dhinaca Puntland oo uu ka mid ahaa siyaasiyiin si weyn u mucaariday horaantii sanadkii 2013, isagoo ciidankaasi ku soo wareejiyay somaliland.
intii uu ku sugnaa somaliland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha somaliland iyo xubno sar sare oo ka mida xukuumadda.
Waxay xidhiidh wanaagsan yeesheen Wasiirro uu ka mid yahay Madaxtooyada iyo Nabadeynta arrimaha Bariga, iyadoo ay weheliyeen xubno madaxdhaqameedda.
ma cadda ujeedada uu dib ugu laabtay Garoowe oo uu ka soo googoostay bishii April ee sanadka, hase ahaatee waxa loo malaynayaa in guur guurka siyaasiyiinta Gobollada sanaag iyo sool uu qayb ka yahay.
Waxa hore sidan oo kale Somaliland uga laabtay Guddoomiyihii hore ee Puntland ee Gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl, kaasoo bishii June ee sanadka tegay Hargeysa yimi, ka dibna markii uu xukuumadda Siilaanyo xil ka waayay dib ugu noqday Garoowe.
Dabeyl ayaa ka mid noqday Musharixiinta u tartamayay Baarlamanka cusub ee Puntland.
Gobanimonews
Hargeysa Disk