Jubba(GNA)-Fallaagada Koonfurta Suudaan ayaa sheegay inay dib u qabsadeen magaalada istaraatiijiga ee Bor.
Waa guushii ugu weyneyd ee ay sheegtaan Kooxda qul-qulatooyinka ka bilaabay dalkaasi, maalmo ka dib markii ay ciidamada dawladdu sheegeen inay wali dagaal kula jiraan Jabhadda Riek Machar.
Tan ayaa imaanaysa saacado yar ka hor xilliga ay waddamada gobolka u qabteen dhinacyada ku daagallamaya dalkaas inay xabadda joojiyaan.
Wareysi uu BBC-da siiyay ayaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar, waxa uu sheegay in uu wafti u dirayo Itoobiya si ay uga qeyb qaataan wadahadalka nabadda.
Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa horey u sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal shuruud la'aan ah.
Balse waxaa uu meesha ka saaray inuu awoodda la qeybsan doono madaxweyne kuxigeenkiisii hore si loo soo afjaro dagaalka.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay sheegay in kuxigeenkiisii hore, Riek Machar, uusan xaq u lahayn inuu awood qeybsi uu ku hoggaamiyo dalka.
Maanta ayay ku egtahay xilliga ay dowladaha gobolka u qabteen labada dhinac ee ku dagaallamayo Suudaanta Koonfureed inay xabadda joojiyaan iyadoo madaxweynaha Yugaandha uu ka digay faragelin militeri.
Yoweri Meseveni ayaa sheegay in waddamada gobolka ay tallaabo militeri qaadi doonaan haddii ninka hoggaaminayo fallaagada ee Riek Machar uu diido xabadajoojin iyo wadahadaka.
Waxaana muuqato in beesha caalamka aanay Yugaandha iyo waddamada gobolka ka horistaagi doonin inay faragelin militeri ku sameeyaan dalkaas.
Safiirka Faransiiska u fadhiyo Qaramada Midoobeey, Gerard Araud, ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uusan ka joojin doonin dalalka deriska la ah Koonfurta Suudaan inay ka qeybqaataan dagaalka halkaas ka socda.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaarayo 180,000 ay ku barakaceen dagaalka ka socda Suudaanta Koonfureed.