Boorama-(GNA)-Sida aan la wada socono dhawaan ayaa qayb ka mid ah fulinta dawlada hoose ee Boorama ay soo bandhigeen waxqabadkii sannadkii dhamaaday ee 2013 kaas oo ay ku sheegeen in ay wax badan qabteen wax badana oo kalena qaban doonaan sannadkan bilowday,waxaa dhanka kale hadal ku lidi ah taas sheegay qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha oo sheegay in ay fashilmeen wax ay qabteena aysan jirin dadkii soo doortayna ay khasaariyeen,
Marka aan hadaba maalmihii u danbeeyay aan eegno xaalada guud ee xarunta Dawlada hoose ee Boorama waxaa jirtay is qaqabsi gaadhay gacan ka hadal oo dhaxeeyay maayorka iyo maayor ku xigeenka taas oo keentay in labada dhinac ay isku qoraan waraaqo shaqo joojin iyo ka hadal warbaahinta ah.
Wixii intaas ka danbeeyay qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo indheer garadka Boorama ayaa isku dayay sidii la iskugu soo dhawayn lahaa labadan mas’uul waxayse ugu danbayn ku soo gabogabootay fashil iyo isfahan la’aan taas oo arintii iyada ahayd ku sii shareertay cirka waxaana la sheegayaa in mas;uuliyiinta qaar ay dacwadahooda ay u gudbiyeen dawlada dhexe.
Ka dib markii uu xaal halkaa marayo ayaa hogaanka dhaqanka beelaha Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley waxa ay ka damqadeen halka xaal uu marayo iyo sida ishii horumarka degmadu u tahay mid liidata waxa ayna shalay toos ugu tageen maamulka degmada Boorama ee uu gadhwadeenka ka yahay Maayor Saleebaan waxa ayna uu sheegeen in sida ugu dhaqsaha badan la iskugu keeno golaha iyo guddiga fulinta taas oo Maayor Saleebaan ka aqbalay.
Intaas ka dib ilo xogogaal ah oo ay Shabakadu Heshay ayaa waxa ay intaas ku dareen in sidoo kale ay odayaashu isla maanta ay u tagi doonaan gudoomiyaha Gobolka Awdal taas oo la sheegayo in ay ka codsan doonaan in uu shirkaas iyo kulankaas balaadhan ee xalka loogu raadinayo khilaafka ragaadiyay dawlada hoose Ee Boorama ka soo qayb galo ka dawlad dhexe ahaan si loo waajaho halka ay sartu ka qudhunsantahay.
Dhanka kaleShabakada oo u suuragashay in ay qaar ka mid ah odayaasha ka waraysato dadaalka ay ku jiraan ayaa ka gaabsadeen waxaase uu noo sheegay mid ka mid ah odayaashu in ay tahay sidii xal waara looga gaadhi lahaa is qaqabsigan soo kala dhex galay dawlada hoose Ee Boorama taas oo ay fiirsan kari waayeen sida uu xaal u socdo waxa kale oo uu mas’uulkaasi noo sheegay in qof walba runta loo sheegi doono.
Si kastaba ha ahaatee arintan is qaqabsiga ka taagan degmada Boorama ayaanan ahayn Mid Boorama oo qudha ka taagaan waxaase jirta degmooyin badan oo Somaliland ka tirsan uu isqaqabsigaasi ka taagan yahay waxayna dadwaynuhu u aanaynayaan da’yarta ku soo baxday golayaasha oo aan lahayn samir iyo dulqaad mid walbana rabo in uu mar uu kursiga maayornimada Fadhiisto.”
Gobanimo news
Mustafe caraale
Borama-soamliland