Wednesday, January 1, 2014

Somaliland iyo Itoobiya oo Sharci cusub u samaynaya Boqolaal Arday oo Waxbarasho ku jira


Qorshaha dib u eegista Sharciyadda Ajaanibka Itoobiya oo saameeyay Ardayda Somaliland ee dalkaasi wax ka barta”Warsaxaafadeed




Hargeysa(GNA)-Somaliland iyo Ethiopia ayaa ka wada hadlay dib eegis lagu samaynayo sharciyadda ardayda somaliland u dhalatay dalka Itoobiya ku joogaan.




Arrintan ayaa ka dambeysay, ka dib qorshe dawladda Itoobiya dib u eegis sharci ugu samaynayso dadka ajaanibka ah ee dalkeeda jooga, kaasoo saameynaya boqolaal arday u dhashay somaliland iyo Somalida kale oo wax barasho u jooga dalkaasi.




Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda somaliland, ayaa lagu sheegay in labada dal isku afgarteen in hab wada jir ah looga shaqeeyo sidii ardaydaasi sharciyad cusub loogu samayn lahaa, isla markaana guddi labada dhinac ka kooban ay hawshaasi u dhamaystiri lahayd.




Is afgaradkan ayaa lagu gaadhay kulan maanta Magaaladda Addis-ababa ku dhex maray Safiir ku-xigeenka somaliland ee dalka Itoobiya iyo Agaasimaha waaxda arrimaha afrika ee wasaaradda Khaarajiga dalkaasi.




War qoraala oo uu soo saaray Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda KhaaAxmed Yusuf Cilmi(Suudi), ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga wada hadlay afar qodob oo  Saldhig u ah sidii ay ardaydaasi u sii wadan lahayd waxbarashadooda.




Warsaxaafadeedka ayaa lagu yidhi sidan: Safiirka& safiir ku-xigeenka  s/land u fadhiya dalka Ethiopia waxay wasaaradda arrimaha dibedda dalka ethiopa kula kulmeen agaasimaha waaxda afrika  ee wasaaradaasi iyo agaasimaha dalalka jaarka waxay ka wada hadleen




•             Fiisaha &ciqaamada ardayda reer s/land ee ethiopa wax-ka barata dalkaasi, ka dib markii ethoipa  go’aansatay in dib u eegis lagu sameeyay  iqaamadaha dadka ajaanibka ah ku joogaan dalka ethoipa oo ay ku jiraan dadka Somaliland u dhashay.




•             Waxay isku afgarteen in ardayda s/land ee ethiopa degen  waxna ka barta dalkaasi in ay safaarada somaliland u soo gudbiyaan liiska magacyadooda si dib u eegis loogu sameeyo loona siiyo ciqaamado waxbarasho.




•             Waxaana arintaas loo xil saaray guddi ka koobaan labada dhinac oo kala ah safiir-kuxigeenka somliland u fadhiya dalka ethoipa iyo agaasimaha waaxda dalalka afrika ee wasaraada khaarajiga ethoipa.




•             Inta ay hawsho socoto in  aan la mustaafurin Karin ardayda u dhalatay dalka somaliland”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay xukuumadda somaliland.




 




Dawladdda ayaa sanad kasta tiro arday reer somaliland ah deeqo waxbarasho u fidisa, kuwaasoo taga jaamacaddo iyo Kuliyaddo kala duwan oo ku yaala dalka Itoobiya.




74 Arday ayaa laba bilood ka hor loo qaaday dalkaasi, kuwaasoo ku biiray boqolaal kale oo hore siyaabo kala duwan halkaasi wax uga baran jiray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com