Wednesday, January 1, 2014

Maayir Iimaan:Bali-gubadle waxaanu ka fulinay sagaal Mashruuc sanadka 2013” Dhegeyso


Maayirka Degmada Bali-gubadle oo Shaaciyay Mashaariic tiro badan oo sanadka u qabsoomay”Dhegeyso




Hargeysa(GNA)-Maayirka Degmadda Bali-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac Cawad  ayaa sheegay in Mashaariic badani ay fulisay dawladda hoose ee degmadu sanadka 2013 ee dhamaaday.




Cabdi Iimaan Jaamac oo maanta Warbaahinta ugu waramay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale shaaciyay mashaariic kale oo sanadka cusub ee 2014-ka u qorsheysan, kuwaasoo ku tacaluqa dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada Bulshada.




“muddadii sanadka ahayd ee aan Maayirka  ahaa waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay, hadii aan sharaxaad  ka bixiyo mashaariicda noo fulay, waxa ka mid ah Xarunta Dawladda hoose qayb cusub ayaanu ku darnay, Jeelka waxaa lagu kordhiyay laba hool oo waaweyn, Dayrka Saldhiga magaalada ayaanu isna dhisnay oo aanu ugu talo galnay in saldhig laga sameeyo, oo aanu ka dhisnay laba qol aanu ugu talo galnay qaybta Bilaysku inay ku shaqayso, kaasoo aanu shacbiga la kaashanay”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “xarunta waxbarashada ee Gobolka oo aanu dhisnayna waxay nooga suurto gashay wasaaradda waxbarashada, waxa kale oo aanu dhisnay Kastamka Maaliyadda ee Gobolka oo ay fulisay Wasaaradda Maaliyaddu, waxa kale oo ay dawladda hoose dhistay dhisme meel gaara ku yaala oo dawladda hoose leedahay oo ka kooban lix Xafiis oo cusub iyo hoolkii shirarka oo aanu dib u dhis ku samaynay, una balan qaadnay inay isuduweyaasha Wasaaraduhu ku shaqeeyaan, ilaa hadana aannaan haynin cid soo gashay, kaasoo aanu Wasaaraddaha ka codsanayno inay isuduweyaashu xafiisyadaa aanu siinay yimadaan oo ay qalabaystaan.




 Waxa kale oo aanu iibsanay Gaadi Surf ah, waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha aanu qabay inaanu laba rugood oo Bilaysku leeyahay dhisno, rugahaasoo aanu Taliyaha Bilayska ka codsanayno in ciidan ku filan la keeno, waxa kale oo aanu dhisnay maxkamadii degmada iyo Magaaladda oo aanu qashinkii buuxay ka nadiifinay” ”ayuu yidhi.




Maayirka ayaa dhinaca kale, sheegay in waxyaabaha u qorsheysan ay ka mid yihiin dhismaha waddada laamiga ah ee isku xidhi doonta Hargeysa iyo Bali-gubadle, horumarinta adeega Korantada ee Magaalada , shaqo abuurista dhalinyarada iyo dar-dar gelinta hawlaha cashuur uruurinta.




Maayir Cabdi Iimaan, ayaa shacbiga reer Bali-gubadle ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarinta degmada iyo Gobolka, isla markaana door weyn ka qaataan dhismaha Laamiga la bilaabayo oo ay mood iyo nool wixii ay ku darsanayaan keenaan.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/maayir.mp3"][/audio]




Khadar Maxamed Xaashi




Gobanimonews




Hargeysa  Office