Boorama-(GNA)-Xafiiska xarunta badhsaabka gobolka Awdal ayaa waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacday xaflad xilwareejin oo iskuduwe cusub oo ay xukuumada Somaliland usoo magacawday xafiiska iskuduwaha wasaarada macdanta iyo tamarta ee gobolk Awdal.
wasaaradan ayaa kolkii hore waxay ku hoos jirtay wasaarada macdanta biyaha kharaad tamarta oo uu isku haystay iskuduwe Maxamed Cumar Dhimbiil Awliyo.Waxana loo kala saaray labo wasaaradood oo laba wasiir kala hoostaga
Wasaarada macdanta iyo tamarta oo loo soo magacaabay wiil dhalinyaro ah engineer Cabdiqani Muuse Jaamac. halka wasaarada biyaha iyo khayraadkana uu ku hadhay Eng :Maxamed Cumar Dhimbiil waxan ka soo qayb galay xil wareejinta oo u kala wareejinayay gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal marti sharaf kale iyo labada masuul ee xilka laka wareegayay.
Iyada oo uu wareejinaye ku xigeenka goblak Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo ka hadlay xil wareejintan waxana uu sheegay in uu ukula wareejinyao labada masuul ee midi dhalinyarada yahay waxan uu fariin u direy labada wasaaradood ee kala matalayaan in waxyaabo farabadan qalabyo xafiis ihi ka maqan yihiin wasaaradahan waxana uu sheegay baaq adag ay u dirayaan xukuumada dhexe somaliland iyo taagta awood ee heer gobolna ay dhaqaajin doonaan si xafiisyo loogu helo .
Maxamed Cumar Dhibiil Awliyo oo isagu xilka wareejinayay ayaa waxa uu sheegay inuuu waxa documentiya ee wasaarada uu ku wareejindoono iskuduwaha wasaarada cusub ayna u baahanyihiin in xafiisyadoodu qalabayan badan ay u baahanyihiin uuna soo dhaw Engineer Cabiqani Muuse Jaamaca oo ah iskuduwaha cusub oo ah wasaarada macdanta iyo tamarta ee gobolka oo ka hadlay xil wareejintan ayaa waxa uu sheegay in uu wasaaradan ay tahay boos fiican oo uu wajibaadkeedana gudan doono isagoo arimahaas iyo arimo klae ka hadalayana waxa uu sheegay
iyada oo xukuumada somliland ee hada talada haysa ay albaabo badan u furtay dhalinyarada siidi lloga qayb galin lahaa in ay ka mid noqdaan hawlwadeenada dalka ayaa Egineer Cabdiqani Muuse Jaamac ka mid noqonyaa dhalinyartaasi .
Hadaba iskuduwahan cusub ee wasaarada macdanta iyo tamarta ee maanta xilka la wareegay ayaa waxa horyaalaaan sidii uu u dar dar galinhaa hawlaha shaqao ee wasaarada iyo gobolku u baahan yahay ayaa looga fadhiyaa sidii ay u dhaqaajin lahaa egnineer Cabdiqani Muuse Jaamac.”
Si kastaba ha ahaatee isuduwahan xilwareejintan ayaa sidii uu sharcigu farayay oo xalaal ah u dhacday halka labadii isuduwe ee isaga ka horeeyay Duulista iyo Ciyaaraha uu gudoomiyaha Gobolka Awdal si sifadan oo kale baal marsan oo suuq madaw ah ugu kala wareejiyay taas oo ilaa haatan ay dadwaynuhu dhabanada haystaan lana yaabsanyihiin gudoomiye jooga gobolkii oo ka soo xaadiri la goobaha xilalka loogu kala wareejinayo mas’uuliyiin sifo sharciya loogu soo magacaabay
Gobanimo news
Mustafe caraale
Borama-somaliland