Monday, October 13, 2014

Qoys Reer Kismaayo ah oo Dib u Midoobay 20-Sano ka dib ( Sawiro)

Qoys-reer-Kismaayo-ah(GNA)Dhibaatadii Dagaalka Sokeeya,keenay waxa ka mid ah Qoyskan oo kala Lumay Sanadkii 1991- kuwaasi oo u Haajiray Xeryaha Qaxootiga ee Kaney,oo ay Mudo ku Noolaayeen.

 

Labada waalid ee kala ah Cabdi Yuusuf Cilmi iyo Faadumo Axmed Cali ayaa gurigooda ka qaxay magaalada Kismaayo sanadkii 1991-kii markii ay dagaalada soo gaareen halkaasi, waxayse kala lumeen 2 wiil oo ay dhaleen, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Saacid iyo Abshir.

 

Qoyskani ayaa galay xerooyinka qaxootiga Kenya halkaasi oo ay ku noolaayeen 13 sano, kadibna sanadkii 2004-tii ayay dib u dajin ka heleen dalka Austarlia, halkaasi oo ay u guureen.

 

Layaabka dhacay waxa ay halkaasi ugu tageen mid ka mid ah wiilashoodii oo lagu magacaabo Abshir, kaasi oo Australia galay sanadkii 1997-dii.

 

Wixii intaasi ka dambeeyey waxaa wali ka maqnaa Saacid, kaasi oo ay heleen sanado badan kadib isaga oo ku sugan Nairobi, Kenya.

 

Barnaamijka baafinta ee bisha cas ayaa ka caawisey in ay helaan Saacid, balse dhibka dhacay waxaa wali u suuro gali la’ in ay kulmaan, iyada oo uu aad u dabo dheeraaday barnaamijkii ay dib ugu midoobi lahaayeen.

 

Aabo Cabdi Yuusuf xanuun daran ayaa haleeley oo ah cudurka kansarka, rajada kaliya ee uu qabana waa in uu mar indhaha dib u saaro Saacid oo ku jira xero ku taala Kenya, isaga oo waliba weynaaday, xaasna yeeshey.

 

Arrintani waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinkii dhacay dagaalkii sokeeye, kaasi oo geeyey dad badan oo waalid iyo wiil isu ahaa.

 

Waxaase isweeydiin leh meeqa kale oo qoys ayaa wali sugeysa dhibka ku dhacay qoyskani, iyada oo wali Kismaayo aysan xaqiijinin nabad aslaaxda.

Abshir-Cabdi-Cilmi

 

 

 

 

 

 

FG : Mid ka mid sawirada waxaad arki kartaan Abshir oo la jooga waalidkiisa isaga iyo ilmo yar oo uu Asutarlia ku dhalay iyo waliba mid ka mid ah shaqaalaha hey’adda bisha Cas.

 

 

 

Xuuqda Sawirada Laanta Bisha Cas-

Source=Galgalanews.com