Monday, October 13, 2014

Shirkadda Apple oo sheegtay in lagu xadgudbay aaladdo ay ikhtiraaceen

app-300x152(GNA)Ninka u qaabilsan shirkadda Apple, naqshadaynta iyo qurxinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu xadgubay aalado ay shirkaddu leedahay.

 

Mudane Sir Jonathon, oo ka hadlayay munaasabad ay marti galisay shirkadda vanity fair  ayaa sheegay in xadgudubku uu waayadan noqday wax caado ah. “in ikhtiraacii lumay ayaa ii muuqda oo tuugnimo loo bareeray” ayuu yidhi Jonathon

 

Mudane Jonathon ayaa si gaar ah loo waydiiyay in uu carabaabo cida ku koobiyaysay aaladaha iyo barnaamijyada shirkadda apple ayaa ku jawaabay in aysan jirin cid si gaar ah loogu eedaynaayo balse si guud uu u hadlay.

 

Shirkadda Xiaomi oo laga leeyahay shiinaha ayaa horay loogu eedeeyay in ay koobiyaysay shirkadda Apple, balse shirkaddaasi shinayska ah ayaa hadalkaasi ku tilmaantay mid meel ka dhac ku ah

 

Waayadii dambe ayaa waxaa jirtay is qabqabsi iyo khilaaf hareeyay shariikadaha teknolojiyadda kuwaasoo ku doodaya in uu midba midka kale uu barnaamijkiisii ama aaladiisii ku xad gudubtay.