“Musharaxa Xisbiga KULMIYE Waa Madaxweynaha Somaliland, Warbaahinta Waxaan Leeyahay Iskadaaya Wararka Beenta Ah.”Wasiir Cabdiwaaxid.
(GNA) Wasiir ju-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Waxyigalinta hidaha iyo dhawanka Somaliland, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa beeniyay warar ku soo baxay qaar kamid ah Wargays-yada ka soobaxa Magaaladda Hargaysa, kuwaas oo sheegaayay in Madaxweyne Axmed Silaanyo, iskaga hadhay guud ahaanba tartanka doorashooyinka soo socda. Wuxuuna Wasiirku u soo jeediyay warbaahinta inay iska hadayaan hadalada kuti kuteenta ah ee been abuurka ah. Hadalka wasiir ayaa noqonaaya masuulkii labaad ee si kulul uga jawaaba wararka sheegaay inuu madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtooyada 2015,iyada oo uu xalay ka jawaabay difaaacyahanka madaxtooyada ee dhuxul.
balse waxa la sugaaba waa axmed Siilaanyo iyo markuu dib ugu soo laabto dalka.
mustafe Herer
Gobanimonews.com.office\
hargaysa/somaliland.