Friday, October 10, 2014

Ozil Oo Dhaawacmay Ilaa 2015 kana Garoomada Ka Maqnaan Doona …!!

Xulka qaranka Germany ayaa daboolka ka qaaday war naxdin iyo anfariir ku noqday kooxda Arsenal , kaas oo lagu sheegay in laacibkooda khadka dhexe, Mesut Ozil uu ciyaaraha ka maqnaan doono mudo saddex bilood ah dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay darteed.

466249_heroa-620x360

Dhakhaatiirka khaaska ah ee xulka Germany ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ciyaaryahankan 25 jirka ahi aanu garoomada cag soo dhigi doonin muddo ku siman “10-12 todobaad” kadib markii uu dilaac ku yimid jilibka lugta bidix ee laacibkan, laakiin war murtiyeed rasmi ah oo uu naadiga Arsenal ka soo daba saaray warka dhakhaatiirta ayay kooxdu ku sheegtay inay baadhitaano dheeraad ah marin doonaan, waxaanay tilmaameen “inay degdeg tahay in si cad loo sheego wakhtiga rasmiga ah ee uu dhaawaca u jiifi doono Ozil”.

 

Ozil, oo kooxda Gunners u saftay sideed kulan guud ahaan tartamada, ayaan ilaa hadda wax qaliin ah loo diyaarin lana sheegin xiliga qaliinka lagu samayn doono dhaawacan soo gaadhay.

 

Dibada ayuu ka daawanayay garoonka tababarka ay ku samaynayeen ciyaaryahanada xulka qarankiisu Arbacadii, waxaanu sugayay in loo qaado raajo ama Scan la saarayay kaas oo ah ka ay markii dambe ka soo baxday natiijada warka dhaawaca ciyaaryahanka.

 

Xidigan reer German ayaa ku biiraya liis ciyaaryahanada Arsenal ah oo u jiifa dhaawacyo muddo dheer qaatay, taas oo dhibaato iyo mashaqo markii horeba ku ahayd naadigan reer London.

 

Olivier Giroud, Aaron Ramsey, Mikel Arteta iyo Theo Walcott ayaa kamid ah sideed ciyaaryahan oo dhaawaca Ozil ka horba ka maqnaa tababare Arsene Wenger.

 

Arsenal ayaa fadhida kaalinta 8 aad ee horyaalka Premier League todoba ciyaarood oo ay ciyaartay, iyadoo Ozil uu guulaha kooxda ee xili ciyaareedkan kulahaa gool uu u dhaliyey iyo mid uu caawiye ka ahaa.

 

[dropcap][/dropcap]