Monday, October 13, 2014

Itoobiya Oo Markii U Horeysay Lagu Sheegay Bukaano Xanuunka Ebola Qaba Iyo Mareykanka Oo Xanuunkaasi Dad Ugu Dhinteen

 

Waxa Laga Yaaba In Uu Si Dhakhso Leh Magaaladda Inteeda Kale Ugu Fido Iyada Oo Nadaafadda Magaaladdu LiidatoHawl Wadeen Caafimaad

Dhakhaatiirku (Gobanimonews)13-10-2014- sugan Cusbataalo ku yaaala dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u cadeeyey inay jiraan dad looga shakisan yahay inay u il daran yihiin Xanuunka dilaaga ee Ebola kaasi oo waddamo badan oo afrikan ah kuna yaala Galbeedka Afrika si weyn dadkooda u naafiyey in ka badan 4000 oo qofna ku dilay.

Sida ay qortay wakaaladda HaraEthoipia waxa qaarka mid ah dhakhaatiir ku sugan gudaha dalka Itoobiya waxa ay cadeeyeen inay tiraba in ka badan ilaa 4 Bukaan oo la il daran xanuun looga shakisan yahay in yahay Virus-ka Cudurka Ebola lagu dabiibayaa Cusbitaaladda black lion hospital iyo Cusbitaalka Saint Yared General Hospital oo labaduba ku yaala waddanka Itoobiya waxana jira cadaadis ay dawladdu ku saareyso in aanay dhakhaatiirtaasi wax xog aah oo xanuunka Ebola ku saabsan xata hadii la arka aan la bixinin si aan xaaladda dalku khalkhal iyo kala yaac ugu dhicin dadka reer Itoobiya iyo dalxiisa yaasha caalamiga ah ee dalka ku suganba.

Xanuun Dhakhaatiirta dawooyinku aaminsan yihiin in uu u muuqdo Ebola ayaa looga shakiyey Bukaan Cusbitaal Itoobiya ku yaala ku jira ,waxaana weeye qal qof oo Diblomaasi Galbeedka Afrika Asal ahaan ka soo jeeda ayaa la dhigay Cusbitaalka Saint Yared General Hospital ee gudaha Itoobiya iyada oo Calaamoda aan wali si sax ah loo aqoonsanin lagu arkay Bukaankan isla markaana halka sido kale Saddex Bukaan oo kale oo iyana xanuunkooda aan la famhin la dhigay Xarunta Cusbitaalka ee black lion hospital, iyada oo wararka Kiisaska Xanuunka ee Bukaanaddani ay sheegayaan inay Bukaanku leeyihiin Dhiig bax iyo Xumad daran.

Dhakhaatiirta Cusbitaalka black lion hospital oo magacooda ka gaabsaday in la sheego xaasaasiga arinta inay Ciqaab muteystaan iyo talaabooyin ay dawladdu ka qaado awgeed , ayaa si hoose   u cadeeyey inay   Kiisaska Bukaanaddani yihiin qaar qaba Xanuunka Ebola isla markaana aan la ogeyn sugnaashaha xaaladda Caafimaad ee shaqaalahii gacanta ku hayay Cusbitaalka Bukaankan Noociisa looga shakisan yahay Cudurka Ebola.

Markii dhacdan dawladdu ogaatay waxa ay ku amartay in aanay Shaqaalaha Cusbitaalka black lion hospital ka hawlgala aanay ka hadlin Bukaanadda looga shakisan yahay Xanuunka Ebola ee adeegyada daawooyinka loogu sameynaayo goobaha ay ku xabisan yihiin waxana mid dadka shaqaalaha ka ah Xarunta Caafimaadka ee black lion hospital oo Mareegta HaraEthiopia xogo ka siiyey arintaasi ayaa yidhi “Waxa laga yaaba in uu si dhakhso leh magaaladda inteeda kale ugu Fido iyada oo Nadaafadda magaaladdu Liidato ,Ilaa ay dawladdu talaabo qaado oo goor hore ku dhawaaqdo inay dadka Caafimaadka ka hortag taxadir ah la siiyo ma fududaan doonto in xanuunka Ebola aanu dilaacin oo la xadido”Sidaasi ayuu yidhi Hawl wadeenkaasi Caafimaad ee arintan wax laga weydiiyey

Sida warbixinta lagu sheegay dawladda Itoobiya waa ay diiday cadeynta in xanuunka Ebola dalkooda ka jiro iyada oo dawladdu dhawr munaasibadood ka dafirtay jiritaanka Cudurka Ebola ee dalkooda Ethiopia iyada oo ka fikireysa hadii wax soo baxaan inay kicin ama ka bixid dalxiisayaalasha wadankooda in aan wixii arintaasi ku saabsan laga hadal,

Waxa kale oo warbixintu xustay in dhawaan wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Itoobiya ay ku dhawaaqday in la aasaaso Cusbitaal Xirfadlayaal Xanuunka Ebola-ha ah in la sameeyo ,balse sida ay sheegtay HaraEthoipia xogaha ay soo xigatay waxa ay xuseen in aan adeegyadii iyo qalabkii looga baahna oo ku filan aan loo helin iyada oo loo baahna ugu yaraan Qalabka (Bio safety) oo heerka 3aad ilaa 4aad ah aheyd in la helo iyada oo nidaamka Caafimaad ee adeega Caafimaadka dawladda Itoobiya uu yahay ka ugu horumarsan marka loo eego waddamada Afrikadda Sub-Sahara ka hooseeya isla markaana aanay wakhtigan xaadirka ah si buuxda u awoodin hadii uu Xanuunka Ebola ka dilaac.

Dhimadda Cudurka Ebola ee ka qarxay Waddamadda Galbeedka Afrika iyada oo dhawaan la helay Kiisaska dadka Cudurka Ebola u dhintay ee waddanadda Mareykanka iyo Spain waxana ilaa hada ay Kiisaska dadka Cudurkan Ebola waddamadda uu ka dilaacay ku dhintay ku dhawaad ilaa 4,000 ( Afar Kun oo Qof ) marka la eego warbixintii ugu dameysay ee ay soo saarto hay’adda Qaramadda Midoobay WHO ( World Health Organization ), waxana xanuunka Ebola lagu qiyaasay mid aduunka dhif iyo naadir ku ah isla markaana xanuun dilaaya waxana sababi kara cudurkan iyada oo qof Virus-ka xanuunkan qaba uu dhiigiisu ku taabto ama uu ku taabto ama walxo uu qafkaasi taabtay iyo qufaciisu ay soo gaadhaan qofka caafimaadka qaba ayey Quboradda Caafimaadku ku sheegeen in lagu kala qaado.

Waxa kale oo Khabiiradda Caafimaadku ka cabsi qabaan in arintu intaa ka sii haliseysan tahay oo qofka Virus-ka Ebola qaba uu dadka kale ku qaad siin karo dhinaca hawada isaga oo aan taabanba qofka kale ee caadiga ah waxana arin ugu naxdinta badani tahay in aan ilaa hada loo haynin cudurka Ebola wax daawo ah oo lagaga hortago ama lagu daaweeyo isla markaana Bukaanadii xanuunka Ebola qaaday 85% dadkii qaaday ay u dhinteen , waxana ka mid ah astaama xanuunka Ebola qofka qaado lagu garan karo Xumad joogto ah Madax xanuun badan oo Laabatooyinka iyo Murqahu inay qofka xanuunaan,Cuna Xanuun iyo awood daro qofka asiibta iyada oo inta ka dibna uu qofku Shuban Matag ,Calool Xanuun jidhka oo Finan ku dhamaadaan Indhaha Dhiig isku bedela iyo jidhka oo gud iyo dibadba dhiigu yaaca ayaa lagu arki kara qofka Bukaanka ah.

Dhinaca kale dawladda Mareykanka ayaa cadeysay inay nin dhakhtar ahaa oo hore adeegyo caafimaad ugu sameeyey bukaan Ebola ha qabay in uu haatan dhakhtarkaasi u geeriyooday xanuunka Virus-ka Ebola halka dalka Kenya-na haweenay Madaarka ka soo degtay ay isla markii ay diyaaradda ka soo degtayba madaarkii ku dhex geeriyootay taasi oo anfariir iyo cabsi dadkii madaarka ku sugna ay ku kala yaaceen loogana shakiyey inay u dhimatay xanuunka halista ah ee Ebola.

Sources by HaraEthoipiadom.com