Shirka Beelaha Subeer Celi Iyo Tabashada Siyaasadeed ee Beeshu Waa Kala Laba Mawduuc Ismana Khuseeyaan”Agaasimaha Goboladda, Dhaqanka Iyo Siyaasadda ee W. A. Gudaha ” Cali Xasan Cawaale”
Hargaysa(GNA)Agaasimaha Goboladda, Dhaqanka Iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland Cali Xasan Cawaale ayaa markii ugu horaysay ka hadlay shirka beesha subeer celi ku qabsanayso deegaanka baargoo ee ka tirsan gobolka hawd
warsaxaafadeed agaasimuhu soo saaray ayuu sidan ku sheegay kaas oo u dhignaa sidan:
Runtii waan soo dhaweynayaa Shirka beelaha subeerceli ee la filayo inuu ka qabsoomo degaanka Bargoo , wax ku jaban in beelaha subeer celi ka shiraan danaha reerka iyo horumarinta degaanadooda balaadhan ee Somaliland iyo eithiopia, ma jirto
Waxaan odhan karaa waa muhiim in beeshu ay ka shirto danaheeda shirkooduna waxa uu la mid yahay shirarka beelaha kale qabsadaan iyagoo ka arrinsanayo horumarka degaanadooda iyo danahahooda beel ahaaneedba
Haddaba maalmahan danbe waxaan saxaafada qaarkood ku soo baxayey, hadalo runtii delqaaf ku ah isla markaana dhawaaci kara shirka iyo danaha beeshaba kuwaas oo ashkaas dana siyaasadeed leh ay mediaha ku qorayeen, iyagoo gabood ka dhiganaya shirka beesha subeerceli, hadaladaas oo la xidhiidha am ku lug leh arrimo siyaadeed oo ay shakhsiyaadkaasi doonayaan inay ku majaro habaabiyaan shirka beesha , isla markaana ka baxsan mawduuca shirka beelaha subeer celi , oo ahaa mid ku kooban Danaha iyo horumarka degaanada beesha.
Sidaa awadeed beesha subeerceli wa beel balaadhan, oo leh mucaarid iyo muxaafidba,dhinaca siyaasadana ku kala qaybsan sida umada kaleba, markaa hadii shirka la dhexgaliyo danaha siyaasadeed, ee u adeegaya shakhsiyadkan waa hubaal in la kala safanayo, qolo xoog roonaataba , shirkiina carqalad ayaa ku imanaysa, taasina maaha mid u adeegaysa danta beesha iyo hormarkaba.
Aniga iyo masuuliyiinta kale ee xukuumada ku jirtaa wali shirkan manaan faragalin madaama uu ka madaxbanaanyahay arrimo siyaasadeed oo uu yahay mid danaha beesha iyo hor umarka degaanada beeshu degto lagaga hadlayo,laakiin isha ayaanu ku haynaa siday wax u socdaan. markay sidaa tahay, waxaan u sheegaya raga shirkan doonaya inay danahooda siyaasadeed ugu gabadaan, in aanay taasi u socon doonin, ee golaha la isugu iman doono, si cad oon gabasho lahayna la isu wajihi doono , Waxanad ogaataan in tabashada siyaasadeed ee beesha iyo hadafka shirka beeshu ay kala yihiin laba mawduuc midwalibana leeyahay dariiq u gaara oo loo maro, waxana xusid mudan in tabashada reerku ay horaba iyadoon shirkan beeshu jirin ay u taagnayd, waxana is weydiin leh ragiinan maanta ka hadlaya waxaad markii hore uga hadli weydeen tabashadan ama aad usoo bandhigi weydeen mudadaad dheer, balse markii beeshu ay shir danaheeda iyo hormarkeeda kaga hadalyso ku baaqday aad ugu hadaaqdeen tabashada siyaasadeed ee beesha , ma hadaad baraarugteen, waxan idin leeyahay saaxibayaal wax idinka soconaya maha tani, anaguna idinka yeeli mayne beeshuna idinka yeeli mayso ee Dhako kale keena
Waxa kale oon doonayaa inaan iyada iftiimiyo laba qodob oo kale kuwaas oo ah kuwo had iyo jeer beelaha subeerceli isweydiinayaan dibad iyo gudaba, waxaanay yihiin labada qodob
1- Xubnaha guddida arab u matalaya beelaha subeer celi, ee shirkii baligubadle
2- Iyo guuxa Musharaxnimada baarlamaanka ee beelaha subeer celi
Ugu horayn hadii aan ka hadlo xubnahaas , ma jiraan wali xubno reerku soo xulay oo u matalaya guddida beelaha arab, waxaana xubnahaas dib loogu dhigay, in lagu soo xulo shirka beesha subeerceli ay qabsanayso dhawaan, xubnahaas shirkaa ka soo baxa ayaa noqon doona xubnaha u matalay beesha guddida beelaha arab, sida awadeed madaama aanay beeshu soo xulin xubnahaas ma jirto cid kale oo matali karta beesha. sidaana waxan u sheegaya Guddida beelaha Arab ee lagu soo xulay shirkii bali gubadle.
Qodobka labaad ee guuxa musharaxnimada reerka, horta waxaa jira qaab ama hab ay beelaha subeer celi wax u qaybsadaan arrimaha dhinaca siyaasada iyo dhaqankaba, markaa xiliga ay gaadho runtii qaabkii iyo habkii reerka ayaa la waafajin doona , raga guuxayana waxaan leeyahay ha ka hordhicina hawshan arrinkiinuna yuu noqon (qoysatee yaa kuu xiiri) cidii taasi u cuntami weydana waxaan qabaa inay farta dhexda ka qaniini doonto.
Ugu danbeyn waxaan ugu baaqaya madaxdhaqmeedka beelaha subeer celi iyo waxgaradkoodaba, meel kasta oo ay joogaan in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara qabsoomida shirkan, iyo in la majaro habaabiyo shirka isla markaana uu noqdo mid ka madaxbanaan arrimaha siyaasada oo aany dhufays ka dhigan cid dangaara wadato si guul looga gaadho qabsoomida shirka iyo danaha lagaga hadlayaba, sidoo kale waa in guddi xilkasa oon ku lug lahayn arrimaha siyaasada loo magacaabo qabanqaabada shirk.
Ali Hasan Awale
Agaasimaha W/Goboladda Dhaqanka Iyo Siyaasada W/Arr/Gudaha.