Anigoo (xasan journalist) ah waxan nasiib u yeeshay inaan akhriyo buuggan indhaha siyaasadda, waxa iga yaabisay oon aad ugu qushuucay,, sida waaya aragnimada iyo farshaxannimada leh ee uu qoraaga buuggu u qaada dhigay, maababka midabyada badan ee siyaasadda, siiba qormadan:
Maxay kula tahay?
Indhaha siyaaddaa igu jeeda!!!
Waa maalin sabti ah saacaduna ay ku began tahay 7:30am, iyadoo jawiguna aad u daganaa malintaa, halkacirkana ay ku shaqlanaayeen daruuro dhaayaha u roon su’aasha igu soo dhacaysayna waxay ahayd toloow halkeebay ku hooraysaa daruurtani, waxaana malaha iga baabiinaysay ILLAAHAY baa og, kaba sii darane jawiga siyaasada oo isna daganaa malintaa, kuna haboonaa in wax lagu soo akhristo madxafka siyaasadda. Haddaba waxaan toos u booqanayaa madxafka siyaasadda wadanka, anigoo adeegsanaaya lugahayga hoostana uga mahad naqaya ILLAAHAY waxaanan doonayay inaan buugaagta taala soo akhristo. Haddaba markii aan sidaa uga galay albaabka siyaasada waxaan ku fadhiistay kursi aad u qurux badan, iyadoo siyaasadu igu soo dhawaysay meeqaam sare oo layaab leh,waxanan soo qaadanayaa oo aan gacantayda u fidinayaa indhaha siyaasadda dabadeedna waxaan isku soo jeedinayaa indhaha siyaasadda, waxanan isugu eegayaa sida muraayada oo uu Aadamuhu kaga bogto wajigiisa sida uu uga gadisanyahay walaalkiisa kale, uguna mahad noqo ILLAAHAY waa inta indheer garadka ahe ,dabadeedna markaliya waxaan ka dhex arkayaa indhaha siyaasadda macluumaad kala duwan, kalana faxan, kana dhex socda madxafka siyaasadda, iyadoo ay indhahaygu qabteen siyaasiyiin badan oo ku jira is difaacid dadban, kana turjumaysa wareegtaa waa silsilad ee kadhawrso dagaalka tooska ah. waxaana ka mid ahaa siyaasiyiinta ku jiray madxafka mr Buuxdhaafiye siyaasi ah, Guudcade siyaasi ah, Gadh madoobe reer magaal ah. Waxaanan waydiiyay buux dhaafiye su’aal ah adigu maxaad u qaabilsan tahay siyaasadda? Waxaanu iigu jawaabay anigu waxaan soo dhaweeyaa siyaasiyiinta guul daraysata ee samirka badan ee aan aqoonta lahayn, balse tooduuni u cadahay.Waayo buu yidhi aniguba guul daraystayaasha geed baan la hadhsadaa oo ma guulaysto, mana quusto khiyaamaduna waa hubkayga casriga ah, niyad jabinta dadkuna waa sadkayga, kunbaan tahriibiyaa si aan u guulaysto maruun, waalidkoodna wadna xanuunbaa goobaha caafimaadka loo dhigaa kuwa tahriiba, iyagana inkaarta walidkood ayaa ka dhigta kuwo xaalada ay ku nool yihiin tahay mid aan caadi ahayn, inkastoo taasina ay ka turjumayso inaan la soo celin waalid afka furtay baryadiisa. Waxaana ka mid ah waxyaabaha aan dadka dhalinyarada ah ku galaafato waxa weeyaan aalada internedka gaar ahaan face booga oo aan ugu soo rido sawir qurux badan oo cadceeda ka nastay si ay ugu soo dhiiradaan wadka iyo tahriibka. Halkaa markay maraysay ayaan hore u socday anigoo yaaban kana fikiraya buux dhafiye miyaanu caadi ahayn, yaa qoray shaqada wuxuu iga sii daba yidhi odhaahdan waan iibsaday shaqada sir, waxaana igu soo dhacaysay ninkan waxba reebi maayo, hadana waxan arkay labada siyaasi ee guudcade iyo gadhmadobe oo ku murmaya maxaa inoo dan ah, salaan diiran dabadeed oo aan qac ku siiyay siyaasiyiintan waxaan waydiiyay maxaad idinku u qaabilsan tihiin madxafka siyaasadda? Waxayna iigu jawaabeen waxaanu u qaabilsanyahay siyaasadda sahaminta kolba halkii qoyan iyo bay yidhaheen soo dhaweynta siyaasiga aan u soo shaqo tagin siyaasadda, balse u soo galay xalinta waxyaabaha is diidan. Halkaa markay maraysay waxa ku soo dhacaysa siyaasiyiintan fariin moobilka gacanta ah oo message ah dabadeedna, iyagoo foorara ayaan iskaga jeedinayaa indhaha siyaasadda iyaga waxaanan si farsamo ka muuqato uga soo baxayaa madxafka siyaasadda. Waxaana igu soo dhacaysa malaa dagaalka maskaxda ayaa ka xun ka qoryaha lagu dagaalamo wakhtigan. Waayo aduunyada wax ka jira siyaasad kolba isbadalaysa waxaanan ugu dabaynta igu soo dhacaysa ninka maanta aduunyada ka eega xaga mashaa kilaadka wuxuu arkayaa balaayo ku soo socota. Waayo Aduunyada malaha meel lagunasto hadaan idiin sharaxo guudcade iyo gadhmadoobe waa sidan maya dani kuguma jirto inaan ku sharaxo. waayo maalin walba waxay indhahaagu qabtaan, dhagahaagana ku soo duula siyaasiyiin ku hirdamaya anaa kaa mudan iyo anaa kaa wanaagsan waxanaad kasawiran kartaa halkaa inaanu qofna jeclayn inuu xasarad baayaco isagoo nool. Haddaba maahmaah hore ayaa tidhi hadii aad ugaadhsade tahay haku soo toosin subax walba inaad hilib ugaadheed ku quraacato!. Waxan idinkaga tagayaa
Maansadii uu curiyay Abwaan Maxamed Xuseen Cilmi (Dayax) maansadani oo uu abwaanku kaga wacyi galinayo shacabka iyo siyaasiyiintaba inay ka fogaadaan siyaasada qaloocda waxaanu ku bilaabay sidan
Dadkaygoow samo ka tali
Sinaantiyo wada jirkiyo
Sifaha lagu horu mariyo
Ha seegin dariiqa guusha
Siyaasadana haw adeegsan
Sir iyo been lagu danaysto
Ninkii sabab doorashiyo
In loo wada sara kacoo
La siiyo cod buuxa iyo
Kursiga sare doonayoow
Sabool awrkii cirkiyo
Daruuraha haw sawirin
Sal iyo raad waxaan lahayn
Daryeel sugan hawga dhigin
Maatida haw suul dhabaalayn
Ha sudhin keeniyo hogaan
Bulshada haka dhigan salaan
Safaad iyo muran ha galin
Sadkeeda agoon ha cunin
Dulmiga haw seefa tuman
W/Q: Dr naasir ismaacil nuur)