Monday, October 13, 2014

Wasiir xaglo oo weeraray goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Waxa ka dambeeya warkaasi uu qoray wargaysku goobaha privat clinska oo iyagu ka hinaasay horumarka xawliga ah ee uu ku jiro cusbitaalka hargaysi, wakhtigan(wasiir xaglo toosiy,)

Hargaysa(GNA). wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland Dr.saleebaan Ciise Axmed(Xaglotoosiye) oo ay waheliyaan agaasimayaasha guud ee wasaaradiisa iyo dhakhtarka wayne ee hargaysa oo maanta si wada jira shir jaraa,id ugu qabtay xarunta dhakhtarka hargaysa, kaas oo ay kaga jawaabaayeen warar dhawaan lagu daabacay warbaahinta dalka qaarkood islamarkaana ay ku beeniyeen wararkaasi ayaa wasiir xaglo toosiye waxa uu si badheedha weerar afka ah oo siyaasadaysan ku qaaday goobaha caafimaadka ee loo yaqaano prevats clins kuwaas oo uu ku sheegay inay ka dambeeyaan wararkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye islamarkaana ay ka hinaaseen waxa uu ugu yeedhay horumarka uu gaadhay cusbitaalka guud ee magaalada hargaysa, oo uu sheegay inuu hada yahay cusbitaal qaran islamarkaana aanu ahayn mid gobal, wasiir xaglo oo arimahaasi ka hadalayaana waxa uu yidhi.
,wararka noocana waxa soo abaabulay oo ay ka timi goobaha prevate clinska ah ee maaha mid uu qoray wargaysku, run ahaantiina waxay ka hinaaseen horumarka uu gaadhay cusbitaalka guud ee hargaysi oo hada isagu ah mid qaran bale aan ahayn mid gobal oo kaliya.
si kastaba ahaatee hadalka wasiirka ayaa isagu ku soo beegmaa wakhti laga dayrinaayo xaalada adeeg caafimaad ee ka jirta cusbitaalka wayn ee magaalada hargaysa.
mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com/office
hargaysa/soamaliland.