Kulliyaddan oo lagu baran doono habka waxbarasho ee Masaafada fog(Distance Learning), waxa dhigi doona Macalimiin isugu jira Somali iyo Ajaanib, waxaana sida ay saraakiisha Jaamacaddu sheegeen duruusta laga soo gudbinayaa Jaamacad ku taalla dalka Maraykanka oo magaceeda la yidhaahdo (Indiana University of Pennsylvania).
Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Golis oo lagu daah-furay Kulliyadan waxbarasho ee cusub, ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka socda Xukuumadda, Xubno ka mid ah Maamulka Jaamacadda, masuuliyiin ka socda Ururrada Saxaafadda, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Hormuudka Jaamacadda Golis ee Kulliyadan cusub, Cabdle Maxamed Axmed oo furitaankii xaflada ka hadlay, ayaa sheegay inay muddo badan soo socotay Hindisaha lagu soo kordhiyay qaybtan cusub, waxaanu intaasi raaciyay inay guul-weyn u tahay bahda Saxaafadda oo aan hore u heli jirin waxbarasho jaamacaddeed.
Furitaanka Kulliyadani wuxuu soo socday hindiseheegu muda badan. Mana aha guul u soo hoyatay jaamacada ee waa mid u soo haytay saxaafada Somaliland guud ahaanba waan mid waxa wayn ka tari doonta dhalinyaradeena jecel in ay ku shaqaystaan xirfada saxaafada “ayuu yidhi Cabdle.
Masuulkan u hadlay Jaamacadda golis waxa uu intaasi raaciyay “jaamacada golis waxa ay samaysay dadaal waayo waxa ay la xidhiidhay jaamacadao caalami ah oo maraykan ku yaala taas oo ka duulaysa sidii ay ugu gargaari lahayid saxaafada Somaliland . waxa kale oo aan halkan idiinka sheegayaa jaamacada golis in ay idiin hayso fursad qaaliya. Waayo? adoo wadankaag ama gurigaaga jooga yaad helaysaa shaahdo maraykan oo jaamacada maraykan ahi ku samaysya taasina waxa la odhan karaa waa fursad aad u muhim ah .” ayuu hadalkiisa ku daray.
Xubno ku hadlayay afka Ururrada Saxaafadda, ayaa iyaguna soo dhaweeyay fursadan u soo korodhay bahda Saxaafadda ee ay ku sii wadanayaan Tacliinta ilaa heer jaamacaddeed.
Gudoomiyaha Waaheen Media Group Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka mid ahaa xubnaha u hadlay Saxaafadda ayaa “waxaan u mahad naqayaa Jaamacada Golis oo soo badhigtay Fursad la sugayey oo aad loogu baahnaa Saxaafada Somaliland iyo Cidii kale ee ku shaqaysata Cilmigan-ba u sameeyey Fursadan sidii ay uga faa’iidasan lahaayeen, waana Fursan muhiim ah oo ay Suxufiyiinta Somaliland aad ugu baahnaayeen” ayuu yidhi Xuuto.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta C/waaxid C/qaadir C/raxmaan oo xaflada ka hadlay, ayaa ammaan balaadhan u jeediyay Jaamacadda, waxaanu sheegay inay fursadani ay tahay mid ka maqnayd Xirfadleyaasha Saxaafadda.
” waan ku faraxsanahay jaamacadah ay xidhiidhka la yeesheen iyo sida ay isugu howleen inay wax u qabtaan da’ yarta mihinadoodu tahay saxaafada . Waxa kale oo iyna xusid mudan in uu qofku online ku dhiganayo isagoo gurigiisa jooga ama xafiiskiisa taasina waa fursad labaad” ayuu yidhi Wasiirku.
Fursad Waxbarasho
Kulliyadan cusub ee Jaamacaddu soo kordhisay ayaa fursad dahabi ah u noqonaysa intii ka faa’idaysan karaysa, Suxufiyiinta Somaliland ee bartay xirfada Aasaasiga ah ee Saxaafadda.
Horey umay jirin Jaamacad rigli ah, sidan Golis oo kale oo lagu barto Culuumta la xidhiidha Saxaafadda, waxaana muuqata inay jaamacadan oo ka mid ah Horyaalka xarumaha Tacliinta sare ee ay sanad kasta ka soo baxaan Jaamaciyiin tiro badan wadaniga ahi, albaab dhiiri gelin ah furtay.
Macluumaad dheeraaad ah
Kulliyaddan waxa lagu baran doonaa sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha xidhiidhka ee waxbarasho Jaamacaddeed oo ilaa heer shahaado oo ah Degree, (Certificate) iyo Diploma.
“ duruusta waxa bixinaya Macalimiin wax ka dhigta Jaamacada Indiana ee dalka Maraykanka, waxaana semisterka lagu qaadanayaa afar bilood” ayay tidhi madaxa Xafiiska Bulshada ee Jaamacadda Golis Mrs Khadan oo arday u sharaxaysay qaabka waxbarashada Jaamacadda ee Kulliyadani noqon doonto.
Si kastaba ha ahaatee bilowga waxbarashadan Jaamacaddeed ee lagu soo kordhiyay Jaamacadaha dalka, ayaa ku soo beegmay xilli ay sanad kasta Mihinada Saxaafadda soo galaan dhalinyaro badan oo ka soo baxa Dugsiyo lagu bixiyo Tababar xirfaddeed oo aan ka saacidayn inay si deg deg ah ugu shaqeeyaan warfidinta.
Taasina waxay sababtay in dhalinyaradaas qaarkood ay ku adkaato inay ku shaqeeyaan Mihnadan oo ay ku gedaaman yihiin duruufo dhaqaale oo Hay’addaha warbaahinta haysta iyo tababar la’aan xirfadleyaasha ah.
Saleebaan Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com