Monday, October 13, 2014

Tobaneeyo ku dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay

QARAX1Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku dhintay Qarax Ismiidamin ah oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Makhaayad Cofe laga cabo oo ku taalla badhtamaha Magaalada Muqdisho agagaarka dhismaha Baarlamanka.

Tobaneeyo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkan oo cid sheegatay jirin.

Warbaahinta Xarakada Alshabaab ayaa ku warantay in Khasaaraha weerarka dhimashadu gaarayso 25 qof oo ciidan dawladda ah ku jiraan.

Saraakiisha Dawladda weerarkan ku eeddeeyay Xarakada Alshabaab, balse ma jirto wax beenin iyo sheegasho ah dhinaca Kooxda.

Makhaayada la weeraray waxa inta badan ku kulma siyaasiyiinta iyo saraakiisha, balse lama sheegin masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo dad caan ah oo waxyeelada qaraxa ku jira.

Hase ahaatee warbaahinta Alshabaab waxay waramayaan in Hudheelka la weeraray uu mukhbaarad lagu tunto uu yahay.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa 500 mittir u jirta Xarunta Baarlamanka.

Weerarka ayaa ku soo aaday, saacado kaddib markii wariye ka howl-gala Telefishanka Somalichanel dhaawac loogu geystay badhtamaha Magaalada isagoo gaarigiisa wado ku maraya.

Kooxda Alshabaab oo caan ku ahayd fulinta qaraxyada ismiidaamin ah iyo kuwa gacanta laga tuuro , ayaa todobaad ka hor laga qabsaday xaruntii ugu weyneyd ee Taliskooda oo ku taallay Magaalada Baraawe.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com