Hargeysa (GNA)-Madabacada qaranka Somaliland ayaa shalay soo gaadheen laba kontaynay oo isagu jira agabkii howlaha diwaangalinta iyo agabka ay ku shaqeynaayso lix bilood ee soo socda. Oo laga soo iibiyay magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraatka
Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caaray), oo u waramay wargeyska DAWAN ayaa sharaxaad ka bixiya agabkaasi waxaanu sheegay in uu agabkaasi isugu jiro agabkii howlaha diwaangalinta oo howsheeda ay gacanta ku hayaan iyo agabka ay ku shaqeyso oo ku filnaan kara inay ku shaqeyso Madabacada muddo lix bilood ah si loogu fuliyo daabacaada ducmenttiyada dowliga ah iyo kuwa gaar ah ah. “waxa ay ka kooban tahay agabkani (stoke) agabkii aanu ku fulinaynay howsha diwaangalinta oo aanu gacanta kuhaynay, iyo agabka madbacadu ku shaqeyn karto illaa muddo lix bilood ah”. Ayuu yidhi Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caaray).
Howl-wadeenada Madabacada Qaranka Somalialnd ayaa ayaa maalmihii u dambeeyay maalin iyo habeenba shaqayn jiray iyagoo mashquul ku ah diyaarinta waraaqada aqoosiga muwaadinka ee howshoodu hada ka socota degmooyin uu ka kooban yahay gobolka Maroodi-jeex, waxaana Madabacada Qaranka Somalialnd la soo gabogabeeysay wajigii kowaad ee diyaarinta waraaqaha diwaangalinta muwaadiniinta Somalialnd.
Gobanimonews.com
Hargeysa Desk