Hargeysa(GNA)- Axmed Cabdiraxmaan Cali ,ayaa caddeeyay in uu musharax u yahay beeshiisa Aadan Madoobe isla markaana ka sharaxan yahay xisbil xaakimka Somaliland ee KULMIYE tartanka doorashada golaha wakiiladana beeshiisa Aadan Madoobe uga tartamayo gobolka Togdheer.
Musharax Axmed Farabadane ayaa sidaa ku sheegayy mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay magaalda Hargeysa oo uu ku soo bandhigay musharaxnimadiisa iyo xisbiga uu ka tartami doono oo ah KULMIYE, waxaanu warbaahinta usoo bandhigay CV-giisa isagoo caddeeyay in uu musharax u yahay beeshiida Aadan Madoobe oo uu tilmaamay in uu haysto kalsoonida beeshiisa gudo iyo dibadba iyo ta guud ee dhalinyarada gobolka Togdheer.
Waxaanu intaa ku daray in uu ka mid yahay ragga ku soo
tabcayay xisbiga KULMIYE isla markaana uu imikana u taagan yahay in uu ka mid noqdo xildhibaanada doorashada ugu tartamami doona gobolka togdheer Xisbi Xaakimka Somaliland ee Kulmiye
Gobanimonews.com
Hargeysa Desk