Monday, September 1, 2014

Xafiiska RW oo sheegay Mid ka mid ah Shaqaalahooda Walaalkii ku dhintay weerarkii NSS-ta


[caption id="attachment_94305" align="alignleft" width="300"]Xoghayaha Xafiiska RW oo muddo ka hor booqanayey caruur miino ku qaraxday Xoghayaha Xafiiska RW oo muddo ka hor booqanayey caruur miino ku qaraxday[/caption]Muqdisho(GNA)-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdiqaadir Cabdi Faarax iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey Cusmaan Ibraahim Dhegey oo ka mid ah hawl-wadeenada Xafiiska geeridii ku timi walaalkii Eng. Cabdiqaadir Ibraahim Dhegey oo ku dhintay weerarkii argagaxiso ee shalay lagu qaaday xarunta Nabad-sugida Soomaaliya ee Muqdisho.




Ku dhawaad 12 qof oo shacab, dagaalyahano alshabaab ah iyo Ciidan isugu jira ayaa ku dhintay  weerarkaaaso ay kooxda shabaab sheegatay inay ku qaaday shalay  Taliska Nabad-sugidaa Gobolka Banaadir.




Xafiiska Reysal-wasaaraha ayaa sheegay inuu Marxuumku ku sugnaa gurigiisa oo ku dhow taliska, marka waxyeelada dhimashada sababtay soo gaartay.




Xoghayaha Joogtada ah ayaa sidoo kale tacsi u diray ciidamadii nafti-hurayaasha ahaa ee ku dhintay weerarkaasi iyagoo dalka ka difaacaya kooxda sharka iyo argagaxisada ee Shabaab.




“ Innaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaan tacsi u dirayaa Allaha u naxariistee Eng. Cadiqaadir Ibraahim Dhegeey oo shalay ku geeriyooday weerarkii argagaxisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu jannadiisa ka waraabiyo isaga iyo dhammaan ciidamadii geesiyaasha ahaa ee ku dhintay weerarkaasi argagaxiso” Sidaasi ayuu yiri  Cabdiqaadir Cabdi Faarax oo war qoraal ah soo saaray maantu.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com