hadlay agaasimaha wax barashada oo isaguna ku dheeraday ahmiyada ay leedahay iskaashiga xidhiidhka labada dal iyo is dhex galka labada shacab ee somaaliland iyo suudan Waxaana dhinacooda halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka dalka suudaan md maxamed xamdi maxamed oo uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen isaga oo sheegay in uu ku farax san yahay nabada iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday dalkan iyo sida ay dadku u jecelyihiin nabada iyo horumarka isagoo sheegay in ay Somaliland wax badan ka caawin doonaan sida farsamada gacanta oo uu sheegay in uu macalimiin usoo diridoono dalan somaaliland dhanka caafimaadka oo uu sheegay in iyana uu waxs badan kala qaban doonaan isga oo isaguna ku dheeradaaday xidhiidhkii labada dale ee taariikhiga ahaa, dhanka kale waxaa waftigaasi xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka wasaarada dib u dajinta somaaliland md axmed c/laaahi kaahin wasiirka oo isaguna ka sheekeeyay xidhiidhkii somaaliland iyo suudan ayaa waftigaasi ka cod sada in dalka suudaan ka caawiyo somaaliland dhinaca ictiraaf raadinta iyo dhinacyo kale waxaan hadaladii wasiirka ka mid ahaa, waxnu doonaynaa in aad naga caawisaan citiraafka ay somaliland doonayso in aad aduun ka dhaadhicisaan, dalkani somaaliland wuxuu leedahay saxaafad xor ah sida aad ogtihiin shacabka soomiland 100%100% waa dad muslim ah, dalkan waxaa jira dad badan oo barakaca ah waxaanu rajaynaynaa in aad gacan ka gaysandoontaan madaama aad tihiin dawlad muslim ah , waxaana ay dhamaan waftigaasi balan qaadeen in ay sawirka ay somalilaand ka arkeen oo ah sawir aad u qurux badan ay u gudbin doonaan shacabkooda iyo dunida kaleba isla markaaa waxa ay wasiirka wasaarada dib u dajinta ka codsadeen in uu safar uu wasiirka arimaha dibadu ku iman doono dalka
Gobanimo news.office
Hargaysa/Somaliland.
Mustafe axmed herer.