Buur-madow, ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen labada taliye ee uu askarigu toogashada ku dilay, waxaanu sidoo kale dhambaalkiisa ku ladhay fariin uu u diray bulshada reer Gabiley ee ka gadooday dhacdadaas.
Waxa uu ku tilmaamay dilkaasi mid qaranka Somaliland oo dhan dhaawac soo gaadhsiiyey, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay inay beel ahaan arrintaas dareen xun ka qabaan, isla markaana ay shacbiga gabiley la wadaagaan xanuunka ay ku beertay.
Waraysi uu siiyay Telefishanka Bulshotv, waxa kale oo uu ku sheegay “ Jamaal Cali xuseen wuxuu ku hadlay hadal sharaf dhac ku ah”ayuu yidhi.
Halkanka ka Daawo: