Biyo gelin iyo Laami cusub oo isbar-bar socda ayaa jawaab u noqday Haraad ugub ah iyo waddo xumaan abid taagnayd..Warbixin GNA
Hargeysa(GNA)-Qoysas badan ayaa biyo la’aani soo foodsaartay Xaafadda Gol-jano ee Magaalada Hargeysa, kaddib markii uu jabay beeb biyaha qaada oo waraabin jiray qayb ka mid ah Xaafaddaas oo hadda la bedelayo.
Beebkan ayaa biyaha Gaadhsiin jiray xaafaddaha dhinaca Galbeed kaga beegan Laagta gol-jano, gaar ahaan agagaarka Dugsiga 26 wixii dhanka Waqooyi iyo Galbeed ka xiga, kuwaasoo qiyaas ahaan ku dhadhow 400 oo guri hadaanay ka badnayn.
Dadka aagaas degen ayaa waxa biyo ay helaan ugu dambeysay todobaadkii hore badhtankiisii, iyadoo ay awal horeba biyaha heli jireen saddexdii maalmoodba maalin.
Beebkii xaafadahan biyaha keeni jiray ayaa waxa jabiyay, Cagaf dawladda hoose leedahay oo banaynaysay Waddo la samaynayo oo isku xidhi doonta Laamiga xaafadaas dhinaca Galbeed ka mara iyo waddada idaacada ka baxda ee Suuqa tagta.
Beebkaas oo ahaa mid duugoobay oo la dhigay wakhtigii dawladdii siyaad barre dalka xukumaysay, ayaa waxa uu yaallay halka wadada laga samaynayo, taasoo khasabtay in inta laga saaro la bedelo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Heerka biyo la’aanta
Tan iyo markii ay Mashaqada biyo la’aaneed ka dhacday xaafadahan waxa la dareemayaa baahida biyo la’aaneed ee xaafadan ka jirta, taasoo keentay inay guryaha dhex gaaf-wareegaan Biyooleyaasha Dameeruhu jiidaan iyo Gaadiid yar-yar oo beryahan dambe soo baxay oo Biyaha Xaafadaha u dhaamiya “Dameer qaddiye, iyo gaadhi biyooleyaashii hore ee Dameeraha ayaanu ka cabaynay maalmahanba”, sidaasi waxa GNA u sheegtay mid ka mid ah Haweenka Xaafadaha biyo la’aantu la soo deristay.
Bedelka Beebkan, ayaa sababay baahida biyo la’aaneed, ayaa qaadanaysa muddo usbuuc gaadhaysa, “muddo kooban ayay qaadanaysaa, laakiinse waxa muhiim ah in intii marba uu jabi lahaa mar la wada bedelo.”ayuu yidhi Sarkaal sare oo Wakaalada Biyaha Hargeysa ka tirsan.
Waxa kale oo uu sheegay “Beebkani wuu daalay, muddo dheer ayuu shaqaynayay.” – “ mida kale wuxuu yaalay meesha wadada laga samaynayo, markaa hadii Laamiga la dul-dhigi lahaa intuu jabo ayuu biyaha daadinayaa”. “ markaa sidaas ayaa loo bedelay ee inay dadku dulqaataan weeye”ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Dhuumaha Biyaha u qaybiya Magaalada
Dhuumaha Biyaha qaada ee Magaalada Hargeysa, oo intooda badani muddo dheer la isticmaalayay, ayaa qaarkood aad u duugoobeen oo u baahanyihiin in la bedelo, waxaana inta badan dhacda in la arko Beeb jabay oo biyo badan khasaareeye, iyadoo ay marka horeba biyo yaraani ka jirtay Magaalada.
Dadka ku dhaqan Caasimada Hargeysa, ayaa waxa biyaha qasabada hela todobaadkii laba jeer ama hal mar 1/3 (saddex meeloodow laba meelood), taasoo muujinaysa heerka biyo yaraaneed.
Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ayaa sheegtay inay maalin kasta magaalada u soo deyso biyo xajmigoodu dhanyahay 900 mitir kuyuub (900 metric quip), halka ay daraasadihii ugu dambeeyay ee lagu qiyaasay tirada dadka magaalada degeni ay sheegayaan Hal Milyan oo qof tiro gaadhaysa.
Laba Mashruuc oo rejo ugub ah abuuray
Dhinaca kale, howsha biyo-gelinta cusub ah ee ay wakaalada Biyaha Hargeysa ku bedelayso Beebkan jabay, waxa barbar socd saameynta wadada laamiga ee xaafadahaasi loo samaynayo, taasoo ah Laamidii u horaysay ee ay Gol-jano.
Gaadiid Iska-rogooyin ah ayaa laba dhigaya Ciid Caro-tuul ah oo la dhigayo dariiqa laamida loogu talo-galay, waxaana muuqata bilowga howsha Laamiga ah oo xagga xisbiga laga soo bilaabay, haatana ka talowday Laagta Gol-jano.
Dareen celinta Dadka reer Gol-jano
Labadan Mashruuc ee isbarbar socda, ayaa yihdidiilo iyo waxqabad dawladnimo si rasmiya ugu sawiray Bulshada Xaafadan oo tebayay baahiyo badan oo aasaasi ah iyo biyo la’aanta maalmahan soo foodsaaray.
“maanta ayuunbay raad dawladnimo Gol-jano ka muuqataa sidii dalka loogu soo noqday”ayuu yidhi Cabdirixiin oo ka mida Dhalinyarada Gol-jano.
Cabdilaahi oo isna ka mida Dhalinyarada Xaafadda ayaa sheegay inay biyo la’aantu si xooggan u saameysay, laakiinse haddana howsha socotaa rejo wanaagsan u sawirtay “Biyihiibaa naga go’an, laakiinse hadana walaahi waa wax lagu farxo.”ayuu u sheegay Wariye ka tirsan bahda Gobanimonews.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoonay muuqan door ay dadka xaafadu ku leeyihiin labada mashruuc ee is-garab socda, hadana ku niyad samaanta iyo soo dhaweynta ka soo yeedhaysa ayaa lafteedu muujinaysa inaanay laabtooda ka madhnayn inay mustaqbalka ka qayb-qaataan.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office