Tuesday, September 2, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku yimi Kenya oo Dacwad Dhuleed ka dhaxayso


Uhuru Kenyatta oo marti-geliyay kulan looga hadlayo amni darada Argagixisada iyo ka soo qayb-galka Xasan Sheikh Maxamuud Isha lagu hayo




[caption id="attachment_94309" align="alignleft" width="200"]Kulan dhex mara labada madaxweyne? Kulan dhex mara labada madaxweyne?[/caption]Nairobi(GNA)-Madaxwaynaha soomaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaarey Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, halkaasoo sida la sheegay uu  kaga qayb galey oshir lagaga hadlayo arimaha argagixisada qaarada Africa.




Shirkan oo furmi doona labada bishan aynu ku guda jirno  oo Salaasada Berri ku beegan, ayaa waxa yeelan doona hogaamiyayaasha Qaarada Africa, waxaana si  gaar ah looga hadli doono falalka amni darada ah ee ka dhaca Qaarada.




Safiirka somaliya u fadhiya dalka kenya Maxamed Cali Nuur ( Americo) oo la hadley warbaahinta, markuu madaxweynuhu soo degay kaddib, ayaa sheegay in waftida madaxwayna uu kamid yahay wasiirka arimaha dibada somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo masuuliyin kale.




waxa kale oo uu safiirku sheegay in kulan bari uu yahay mid madaxda africa uu ku caasumay madaxwaynaha kenya Uhuru Kenyatta.




Ururka al-shabaab oo xidhidh la leh urur waynaha al qaacida, dagaalna kula jira dawladda Soomaaliya, ayaa faro xun ku haya amniga wadamada bariga Africa, siiba Kenya oo ka mid ah dalalka howl-galka AMISOM ku jira.




Xidhiidhka Somalia iyo Kenya




Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mar kale mugdi soo galay, waxaana ka dhexeeya muran dhinaca xaduudka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.




Dawladda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa todobaadkii hore dacwad ka dhan ah damaca Kenya ee Dhul-baddeedka Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Sare ee Qaramada midoobay, taasoo ay kaga dacwoonayso Dhul baaxadiisu dhantahay 100KM oo badda ah oo Kenya doonayso inay la wareegto.



Dhulkaasoo murankiisu  wakhti dheer soo jiitamayay, ayaa arrintiisu sii xumaatay, kaddib markii Kenya ay bilowday heshiis ay Shidaal iyo Gaas kaga baarayso dhulkaas, taasoo ka dambeysay fashil ku yimi wadahadalo diblomaasiyadeed oo ay labada dal ka yeesheen.




Ma cadda ilaa hada inay arrintaas kulan gaar ah ama mid guudba iskula soo qaadi doonaan madaxweyneyaasha labada dal, inta uu booqashada ku joogo Xasan sheikh Maxamuud Nairobi, hase ahaatee waxa muuqata inay indhaha Bulshada caalamka iyo saxaafaduba isha ku hayaan xidhiidhka labada hogaamiye ee isu martida ah, (waa Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheikh).




 



[caption id="attachment_94308" align="alignleft" width="300"]Kulan dhex mara labada madaxweyne? Kulan dhex mara labada madaxweyne?[/caption]



kuwaasoo xidhiidhka wadamadooda ee mustaqbalku ku xidhanyahay heshiis laga gaaro khilaafkaas.




Diyaariye: Cabdiraxmaan Buur-dhaab  Nairobi Office




Gobanimonews




Nairobi Office




Email:  editor@gobanimonews.com / buurdhaab4@gmail.com




 




ka qaybaateyaasha: S. Kalshaale Hargeysa iyo Y. Axmed Muqdisho..