Alle ha u naxariistee, Agaasimihii guud ee cisbitaalka dawladda ee Burco, Dr. Cabdiqaadir Muuse (Muruq Liqe), goor dhawayd la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Cisbitaalka uu maamulayay, ayaa laf dhabar u ahaa dar dar gelin lagu sameeyay addeegyada dhakhtarkan, waxaanu xubin muhiim ah ka ahaa ururka dhakhaatiirta Gobolka.
Marxuumka, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday ta alle ka sekow, qaliin caloosha lagaga sameeyay maanta, sida uu Dhamays xaqiijiyey sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland oo Burco ku sugan.
“Dr. Cabdiqaadir waa xubin la tebi doona oo aan la ilaawi Karin kartida iyo howl-karnimadiisii” ayuu yidhi Tafaftiraha GNA oo sheegay inuu xasuusto kulankii ugu horeeyay ee dhex maray Dr. Sanado ka hor “wuxuu ii sheegay inaanu wakhti uu waraysi ku bixiyo aanu haysan oo uu qalliino iyo howlo kale oo kormeer bukaan jiifka ah uu ku mashquulsanyahay”. Ayuu yidhi Saleeban Kalshaale.
Marxuum Dr. Wuxuu hormood u ahaa balaadhinta iyo horumarinta Adeegyada cisbitaalkan oo ay sanadkii hore Hay’adda MSF joojisay taakuladii ay siin jirtay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com