Monday, September 1, 2014

Somaliland: Xaasaasiyadda Shir-dhaqameedka Warsan-geli ee Xiin-galool


Siyaasiyiinta Bariga Sanaag oo faraha kala laabtay Shirka ka socda Xiin-galool, maxay tahay sababtu..?




[caption id="attachment_94277" align="alignleft" width="300"]Ergo dhaqameedka Warsan-geli Ergo dhaqameedka Warsan-geli[/caption]Xiin-galool (GNA) – Waxa Maalintii afraad galay shir beeleed ka socda degmada Xiin-galool ee bariga gobolka Sanaag ee Somaliland.




Shirkan ayaa waxa ujeeddadiisa lagu sheegay aayo ka tashiga beesha Warsengeli ee degta bariga Sanaag ee Somaliland, ilaa galbeedka Boosaaso ee Maamulka Puntland,  waxaana ka qayb-galaya ergooyin dhaqan oo kala socda jifooyinka beesha Warsangeli ka kooban tahay, kuwaasi oo dibadda iyo gudaha dalkaba ka tagay.




Waxaana Madasha shirkaasi waxa fadhiya isla-markaana furay Suldaanka guud ee Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, kaasi oo ay wehelinayaan Isinimada kale ee beeshaasi leedahay.




Inkasta oo shirkani aanu wax badan kaga duwanayn shir beeleedyadii Somaliland ka dhacay saddexdii sanadood ee u dambeeyay, haddana waxa muuqda in aanay door farogelineed ku lahayn siyaasiyiinta ka soo jeedda beeshaasi ee Somaliland iyo Puntland, wallow ay suurto-gal tahay inay jiraan siyaasiyiin daaha debadiisa ka hagaya ajandaha shirkaasi, kuwaasi oo la tuhmi karo inay Puntland iyo Somaliland-ba ku jiraan. Hasa-yeeshee Siyaasiyiinta beeshaasi ee ka midka ah dawladda Somaliland, ayaa si cad faraha uga laabtay shirkaasi, waxaana muuqata inay ajiibeen dalab ay beeshoodu uga yimid, kaasi oo ahaa in aanay soo faro-gelin ama aanay doc wareemin shirkooda.




Shirka Guuleed oo ka socda degmada Xiin-galool, ayaa waxa dhawaan ka hadlay Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu sheegay in aanay dawlad ahaan aragti xaasaasiya ka qabin shirkaasi, isla-markaana uu ka madax-banaan yahay siyaasadda “Inta aanu ognahay oo aan war ka hayo wax cabsi ah oo aanu ka qabno shirkaasi ma jirto” ayuu yidhi, Wasiir Caddami oo shirkaasi ka hadlayey toddobaadkiii hore, waxaanu intaasi ku daray “Anigu halkaas fog eed ku dhereriseen ee Khaatumo ah (Ma ogi) ee waxaan odhan lahaa waar dadka ha maqashiinina maba yaqaaniin Magacyadaase, wax sidaas u eeg oo ka soo bixi karaana ma jiro ayaan anigu leeyahay, waayo Shirkaasi waa shir dhaqameed, waxaana lagaga shaqaynayaa wixii beesha danteeda ah”




Sidaasi oo ay tahay, wasiirka kaluumaysiga ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo isagu tan iyo markii qabsoomidda shirkaasi kaabiga timid ku sugan deegaamada shirku ka socdo, ayaa la sheegay inuu doonayo inuu buuxiyo doorka siyaasadeed ee ay dawladdiisu tabeyso inay shirkaasi ku yeelato. Laakiin Wasiir Cali Buureed ayaa la sheegay in lagu qanciyey inaanu shirkaasi ka qayb-gelin Karin isaga oo magac dawladeed huwan. Sidoo kale, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo Somaliland ku jira, oo daneynayey inay ka muuqdaan shirkaasi ayaa loo diiday inay tagaan Madasha shirkaasi ka socdo. Mugdi kuma jiro in shirkani yeelan doono saamayn siyaasadeed, laakiin waxaan caddeyn Somaliland iyo Puntland ka uu saameyn doono.




Siyaasadda beesha Warsan-geli ayaa lugaha kula jirta Somaliland iyo Puntland, taasi oo muujinaysa in natiijada shirkaasi dhinac u xaglin doono.




Ilo-wareedyo u dhuun-daloola shirka iyo siyaasiyiinta beesha ee shirkaasi dibad joogga ka ah ayaa tibaaxaya in shirkani halis ku yahay Somaliland, isla-markaana ay gacanta kula madaxda Beeshaasi ee Maamulka Garoowe ka tirsan.




Dadka sida gaarka ah farta loogu godayo ayaa waxa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland iyo Madaxwaynaha Maamulkaasi oo labadooduba safaro ku tagay Badhan iyo Dhahar, una ballan-qaaday dadka deegaankaasi inay si buuxda ula wareegi doonaan siyaasad ahaan iyo maamul ahaanba.




Si kastaba ha ahaatee, dareenka xaasaasiga ah ee shirkaasi ku gedaaman, ayaa waxa is waydiin mudan waxa uga meel yaalla xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo maanta la tacaalaysa dhibaatooyinka ka dhashay shirkii Taleex ee ay laba sanadood ka hor dhayalsatay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com