Falastiiniyiinta iyo Beesha Caalamka oo Canbaaraysay Falkaasi
GAZA(GNA)Maamulka Isra’iil ayaa shalay (axad) shaaciyey inuu la wareegayo dhul baaxadiisu dhan tahay 400 hectares oo ku yaal duleedka magaalada Bethlehem.
Dhulboobkan Isra’iil ku dhawaaqday ayaa ah kii ugu balaarnaa oo lagula wareego dhulka Falastiin muddo 30 sano ah.
Deegaankan oo kamid ah dhulka yar ee Falastiiniyiinta u haray ee ku yaal Daanta Galbeed ee wabiga urdun (West Bank) ayey Isra’iil dooneysaa inay ka dhisato 1000 guri oo la siinayo Yuhuuda doonaya inay la wareegaan dhulka Falastiin.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii xabad joojin laga gaaray dagaalkii Gaza oo ay ku dhinteen in ka badan 2 kun oo Falastiiniyiin ah.
Qaar kamid ah dalalka Beesha Caalamka ayaa cambaareeyey talaabada dhulkan lagula wareegayo, walow Isra’iil aysan inta badan isku mashquulin dhaliisha beesha Caalamka.
Dhamaan dadaaladii lagu doonayey in Isra’iil cunaqabteyn lagu saaro ayaan soo dhaafin Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Maraykanka oo golahaasi kuleh awooda VITO ayaa mar walba hor joogsada qaraar walba oo ka dhan ah maamulka Isra’iil.
Dalka Maraykana oo ay awood ku leehiyiin maalqabeenada Yuhuuda ayaa mar walba ku dadaalada difaacida Isra’iil, sidoo kale ururada Kirishtaanka ee xag jira ah oo awood kuleh xisbiga Jamhuuriga ayaa aaminsan hadii Yuhuuda la wareegto Isra’iil inay soo dadajin doonto dib usoo noqoshada Nabi Ciise cs. Taasi oo keenta inay mar walba si indho la’aan ah ku taageeraan tilaabooyinka Yuhuuda ka wadaan dhulka Falastiin.