Monday, September 1, 2014

Gen. Jidhif: hala xoojiyo Gogoshii nabadda ee SSC”


JIDHI




Hargeysa,(GNA)– Taliyihii hore ee Ciidamada Somalliland General, Maxamed Xasan Cabdilaahi( Jidhif) ahna khabiir dhanka Milateriga ku takhasusay ayaa ku taliyay in dib u eegis lagu sameeyo, gogoshii nabadda ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha Bariga, si loo soo afjaro muranka wali ka sii socda deegaamada SSC.




General Jidhif ayaa sidoo kale difaacay qarannimada Somaliland xuduudaha dalka  “Marka aan Daliishado, Siyaasada, Diblomaasiyada iyo Distoorka Somaliland, Hadii Lagu Soo Duulay Qaranimadii Jamhuuriayda Somaliland Madaxweynuhu wuxuu Xaq Distoori ah u leeyahay Inuu Difaaco Qaranimada, waayo waa taliyaha guud ciidamada qaranka Somaliland.




Tusaale ahaan Ciidamada Qaranku waxa ay leeyihiin masuuliyada (area of responsibility), markaa Waajibaadkooda uma baahna inay cid u daba fadhiistaan gorgortana lagaliyo,jiritaanka somaliland oo ah mid lama taabtaana.




Sidaad la socotaan Soomaalida waxa qaybsaday saddex wadan oo reer Yurub ah, Djibouti oo Faransiisku qabsaday, Somaliland oo Ingiriisku qabsaday iyo Somalia oo Talyaaniga guumaystay ,taasi waxay u muuqataan in Somalia aanay ogolayn xadka ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala dhigteen,




waxaan u arkaa talaabada Somaliland qaaday mid xaq ah oo difaacaysa qaranimada (statehood-kii) Somaliland”. .




Jidhif ayaa sidoo kale dhaliilay heerka diblomaasiyaddeed ee Somaliland beesha caalamka ugu bandhigi lahayd weerarka lagu soo qaaday, isagoo dhanka kalena xusay inuu jiro tartan diblomaasiyaddeed oo dalka lagula jiraa.




 “Runtii waa la odhan karaa diblomaasiyadii waa la inagaga tartamayaa(challenge), markaad xaqaaga doonayso in wadamada jaarka ah iyo dawladaha waaweyn ee aduunyada in aad ka dhaadhiciso in lagugu soo duulay ayay ahayd inta aan dagaalka la qaadin, taasi way ina seegtay ama waa la qaadan waayey ayay noqonaysaa”.




 “Runtii waxay iila muuqataa dhaliil xageena ah, dadkan aynu shaqooyinka wada leenahay ilayn Jamhuuriyad baynu nahaye oo waxa aynu ku doodaynaa 26-kii June 1960-kii ayaanu xornimadii qaadanay Ingiriiska ayaanu ka qaadanay, Ingiriisku Talyaaniga xadbuu la samaystay xadkii anagu maanu dhaafin, Jamhuuriyada Djibouti xadka aanu la leenahay wax dhibaato ahi nagama haystaan, Ethiopia xadka aanu la leenahayna wax dhibato nagama haystaan.




Markaa Beesha Caalamka ma aqoondarada haysata mise iyagaa iska indha-tiraya xaqiiqada Somaliland