(GNA)Qaar kamid ah wadamada horumaray ayaa diyaarado hub sida u diray xoogaga Kurdida Ciraaq ee la dagaalamaya Kooxda ISIS ama Dowlada Islaamiga ee Daacish.
Dalalka Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga, Germany iyo Australia ayaa kamid ah wadamada hubka iyo saanada military u diray xoogaga Kurdida oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay helay taageero xoogleh oo military.
Dowladahan hubeenaya Kurdida Ciraaq ayaa sheegay in tilaabadan ay tahay midda kaliya ee xiligan lagu xakameyn karo xoogaga IS ee kusii fidaya waqooyiga wadanka Ciraaq.
Hase yeeshee hubka faraha badan ee Kurdida lasiiyey ayaa laga cabsi qabaa in mustaqbalka u fududeyso xoogaga Kurdida inay ku dhawaaqaan gooni isu taaga kana baxaan dalka Ciraaq.
Dhinaca kale xoogaga Kurdida ayaan weli si buuxda ugu guuleysan inay la wareegaan inta badan dhulkii ay xoogaga Daacish heysteen, kooxda IS ayaa khasaaraha ugu badan ee illaa iyo hada soo gaaraya uga yimid duqeyntii diyaaradaha Maraykanka.
Kooxda IS ayaa hada bilowday inay bedasho habkii ay horey u dagaalami jirtay iyadoo aan xilgan adeegan gaadiidka dagaalka ee badan iyagoo arrintaasi uga gaashaamanaya diyaaradaha Maraykanka ee bartilmaamsanaya dhaq dhaqaaqa kooxdaasi.