Monday, September 1, 2014

Iska horimaadyo ka dhacay caasimada Pakistaan


Banaanbaxyo-PAistan-31-08-14(GNA)Banaanbaxyadii labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday caasimada Pakistaan ee Islamabad ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay isu bedalay rabshado ay dad badan ku dhaawacmeen.




Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ee Imran Khan iyo Wadaadka lagu magacaabo Dahir Al Qadri ayaa isbedalay rabshado iyo iska horimaad dhexmaray shacabka iyo ciidamada Booliiska.




Dadka banaanbaxaya oo xiray wadooyinka taga Baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowlada ayaa codsanaya in xukuumada Nawas Sharif ay xilka ka degto. Dowlada ayaa magaalada Islamabad keentay ciidamo ka badan 45.000 askari si looga hortago banaanbaxyadan.




Illaa iyo hada ciidamada ayaan ku guuleysan inay kala eryaan mudaharadayaasha, waxaana hada banaanbaxyo kale ka bilowdeen magaalooyinka kale ee dalkaasi sida Lahor iyo Karaji.




Imran Khan hogaamiyaha mucaaridka ayaa isagu diidan natiijadii doorashadii Raysalwasaaraha dalkaasi Nawas Sharif oo la sheegay in la musuq maasuqay.




Wadaadka Dahir Al Qadri ayaa isagu ka banaanbaxaya dil ay ciidamada Booliiska ee Lahor u geysteen 14 kamid ah taageerayaashiisa oo banaanbax ka qeyb qaadanayey. Guddoomiyaha Lahor oo ah nin la dhashay Raysalwasaare Nawas Sharif ayaa lagu eedeenayaa inuu bixiyey amarka lagu dilay taageerayaasha Dahir Al Qadri. Wadaadkan ayaa codsaday in maxkamada baaritaan ku sameyso falalka ay ku kaceen Nawas Sharif iyo Walaalkiis GUddoomiyaha Lahor.




Dahir AL Qadri ayaa isagu fursad u helin inuu ka qeyb qaato doorashadii Pakistaan, maadaama uu heysto dhalasho Canada ah, wadaadkan ayaa kasoo horjeeda nidaamka dowlada Pakistaan ay ku shaqeyso oo uu doonayo in gebi ahaan la bedalo