Monday, September 1, 2014

Magaca Maxamed oo noqday magaca ugu badan ee loo bixiyo wiilasha dalka Norway


download (1)(GNA) Magaca Mohamed ayaa noqday magaca ugu badan ee ay dadka ku nool caasimada dalka Norway Oslo ay haatan carruurtooda u bixinayaa.




Ururka la magac baxay Jorgen Ouren ayaa shaaciyay in inkabadan 4,800 oo rag waaweyn iyo wiilalba la yidhaahdo Maxamed iyada oo magacana uu ka sare maray magacyadii hore caanka ugu ahaa dalka Norway sida Jan iyo Per.




Waa markii ugu horeysay ee magaca Mohamed uu noqdo magaca loogu jecel yahay dalka Norway inkastoo qoraalkiisa iyo ku dhowaaqidiisaba uu ka kala duwan yahay.




Ma aha oo kaliya dalka Norway in magaca Mohamed uu yahay kan loogu jecel yahay balse dalka UK ayaa tirakoob la sameeyay waxa uu noqday magaca Maxamed kan ugu caansan ee waalidiinta England iyo Wales ay sanadkii 2013kii wiilashooda u bixiyaan.




Dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Norway ayaa tiradoodu waxa ay gaarayaan 150,000 iyadoo guud ahaan tirada dadka ku nool dalkaasna ay yihiin 4.5 million tirakoob la sameeyay 2012.




Dadka Islaamka ah ee ku nool dalka Norway ayaa badankood waxa ay ka yimaadeen dalalka Pakistani, Somali, Iraqi iyo Morocco.




Balse dalka Norway ayaa waxaa ka jira ururka ugu weyn ee ee ka soo horjeeda Islaamka kaasoo ay xubno ka yihiin dad gaaraya saddex kun oo ruux.