(GNA)Dowlada China ayaa sheegtay in aan doorashooyin ay toos dadka wax u doortaan aysan ka dhici doonin magaalada Hong Kong.
Magaalada Hong Kong oo ay horey uga soo talin jireen maamuladii Ingiriiska ayaa 1997 dib loogu wareejiyey dowlada China. Tan iyo xiligaasi magaalada Hong Kong waxay heysatay xuquuq dheeraad ah dhanka doorashooyinka.
Balse dowlada China ayaa xiligan sheegtay in ay iyada soo xuli doonto murashaxiinta isu sharaxaya guddoomiyaha Hong Kong, halka shacabka ay doonayaan in qof walba isu soo sharaxi karo jegadaasi kadibna ay shacabka toos u doortaan.
Tilaabada dowlada China ku xakameysay cida murashax ka noqon karta doorashada Hong Kong ayaa lagu sheegay inay tahay tilaabo dowlada China awooda uga illaalineyso siyaasiyiinta kasoo horjeeda siyaasada dowlada dhexe ee China.
Go’aanka China ayaa keentay banaanbaxyo ka bilowday mag