Wednesday, September 3, 2014

Forren: Rooney Wuu Yara Buuran Yahay.


Ciyaaryahanka Difaaca xulka Norway Vegard Forren ayaa ku tilmaamay weeraryahanka England Wayne Rooney mid yara buuran ka hor kulanka saaxiibtinimo ee labada xul dhexmaraya habeenka Arbacada.




1409670224579_wps_12_STAVANGER_NORWAY_AUGUST_2-634x360




Rooney ayaa todobaadkii hore loo magacaabay kabtanka cusub ee England inkastoo uu si aan hagaagsaneyn u ciyaaray Koobkii Adduunka oo uu kaliya hal gool dhaliyay.




 




Norway ayaa ku jirta kaalinta 53-aad ee qiimeynta FIFA waxaana ay 33 kaalmood ka hooseeyaan England, laakiin Forren ayaa sheegay inaanu ka baqeynin England oo ay kula ciyaarayaan Wembley.




“Rooney waxa uu u muuqdaa mid yara buuran” ayuu Forren u sheegay Tv2.




 




“Sida iska cad waxa ay yihiin ciyaartoy wanaagsan, intooda badana qaab ciyaareed wanaagsan ayay ku jiraan ka dib saddex kulan oo Premier League oo la ciyaaray laakiin isha ayaan ku heynaa kulankaas.”