Wednesday, September 3, 2014

Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay Gobolka Togdheer


Dad uu soo ritay Cudurkaasi oo Cisbitaalka Burco la soo gaadhsiiyay.......




JADEECOCoodanle(GNA)Tuulada  Coodanle oo ka mid Degmada Qorilugud ee Gobolka Buuhoodle ayaa waxaa ka dalaacay Cudurka jadeecada,waxaana xalay lasoo gaadhsiiyay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco hal qof oo dumar ah Uur leh, taasoo oo cudurkaasi soo ritay.




Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay jiraan dadkale oo cudurkani hayo oo degaamnada Miyiga coodanle ku xanuunsanaya.




Gabadha Uurka leh ee Burco la keenay , ayaa waxa siday  dad eheladdooda, kaddib markii ay waayeen gurmad caafimaad,waxaanay dadwayanaha degaankaasi Wasaarada caafimaadka iyo Dawlada dhexeba ka dalbadeen in Gurmad lala soo gaadho si cudurkaas loo xakameeyo,
Maxmed Xirsi  Guuleed (Sheekeeye) oo ka mid ah odayaasha degaankaas ayaa GNA  u sheegay''Magaalada  Coodanle oo Xuduudada ku taalaa dhakhtar ma laha oo rug kale oo xanaano  ma laha, degaankuna waa degaan Balaadhan,Dadkii waxaa ku dhacay Jadeeco,Burco waxa la keenay Gabadh uur leh oo jadeeco ku  dhacday oo qofkii xanuunsada Burcaa la keenaa oo laba qof oo  dumar umulayay ah oo laga soo qaaday Burco ayay ku dhinteen”ayuu yidhi.




Oday Maxamed isagoo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi''hadana dadka wixii kale Jadeecadii buu u wadhanyahay oo coodanle  eeriyadiiisaa jadeecaa loogu Jiranyahay ,waxaanu leenahay dawlada Somaliland ha eegto oo caafimaad haw dirto dadkaa jiifa,roobkuna wali kama di,in oo dadku aad buu u tacabsanyahay waxaanu baaq u diray naa wasaarada Caafimaadka iyo dawladaba.ayuu yidhi Maxamed
oday Maxamuud Axmed Cilmi oo dadka degaanka Qorilugud ah oo isna qaylo dhaan ka diraya ayaa yidhi''xanuunkan jadeecadu waa jiraa Degaankanina waxaan filayaa in laysku haleeyay oo somaliand aad  uguma dhiirato  degaankaas Coodanle.
Isuduwaha  wasaarada Caafiaadka Gobolada Bari Cabdi Yaasiin oo isna  Khadka Telefoonaka aanu arintan wax kaga waydiinay ayaa sheegay inay Gaadiid u direen isla markaana hal qof lasoo gaadhsiiyay Burco ''Anigu hada Hargaysaan Jiraa laakiin Gaadhi ayaanu u diray waxaana laysoo sheeegay in hal qof Burco la keenay,waanu jiraa Cudurka jadeecadu uu degaankaas lag soo sheegay.ayuu kaga baxay hadalkiisii isuduwuhu”ayuu yidhi.




Cudurka Jadeecada ayaan dhawaan laga soo sheegay inuu ka dilaacay oo uu dadk ku laayay deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaasoo hoos-yimaada degmada ceel-afweyn.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com