Laacibka cusub ee ay la soo wareegtay kooxda Manchester United Daley Blind ayaa xidhan doona funaanada lambarka 17-aad ee kooxda ka dhisan Old Trafford.
Difaaci hore ee Ajax ayaa heshiis ku dhow 15 milyan oo ginni ugu soo wareegay United maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub, wuxuuna dhaxli doonaa garankii xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Portugal Luis Nani, kaasoo heshiis xilli ciyaareed amaah ugu wareegay Sporting Lisbon.
Blind ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horreeyey u safto United marka ay wajahdo QPR 14-ka bishan September ka dib markii uu ku biiray xulka Holland ee kulamada soo socda wajihi doona xulalka Italy iyo Czech Republic.