Wednesday, September 3, 2014

Xukuumadda Soomaaliya oo 45 Maalmood u qabatay inay isku soo dhiibaan Dagaalyanada Al-shabaab


Golaha Wasiirrada oo kulan aan caadi ahayn yeeshay caawa iyo nuxurka go’aamo ka soo baxay oo Shabaab nasteex u ah + duco wasiirradu isla taageen..




alshabaasMuqdisho, September 02, 2014—(GNA)-Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.




Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxana laga soo saaray go’aamo culus oo ku aadan hawlgallada lagu sugayo amniga dalka, iyadoo Xukuumaddu u qabatay muddo 45 maalmood gudahood ah inay isku soo dhiibaan Dagaalyahanada Alshabaab, ama waxa ay u taqaano (Nabad-diidka), iyadoo dowladduna cafis u fidin doonto cidii isku soo dhiibta wakhtigaas.




Kulanka markii uu soo dhammaaday kaddib, waxaa Saxaafadda si-wadajir ah ula hadlay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg iyo Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxana ay faah-faahin ka bixiyeen qodobadii kasoo baxay shirkii golaha Wasiirrada.




alshabaabss




 



Wasiirka Amniga Qaranka, ayaa akhriyay go’aamo afar qodob ka kooban oo Xukuumadda kasoo saartay kulankaas, kuwaasoo u dhignaa sidan:-




1.Xukuumaddu waxay sii wadaysaa ayna xoojinaysaa howlgalka lagu soo afjarayo Kooxaha Argagixisada.




2.Waxaa Xukuumaddu cafis u fidinaysaa kooxaha la marin habaabiyay cafis kaas oo ay ka faa’iidaysan karaan muddo 45 cisho ah, cidii ka faa’iidaysan weyda waxaa loo aqoonsanayaa dambiile sharciga ayaana la horgaynayaa, xubnaha ka faa’iidaysta cafis kaas Xukuumaddu waxayna u abuuri doontaa nolol fiican oo dib ugu dhistaan mustaqbalkooda




3.Xukuumaddu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay barbar istaagaan ciidamadda geesiyaasha ah ee la dagaalamaya cadowga.




4.Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa Culima’udiinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan marxaladdan muhiimka ah, iyagoo iftiiminaya fahamka guracan iyo been ka sheega diinta Islaamka




Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ka jawaabayay su’aallo ay warbaahintu waydiiyeen ayaa sheegay ujeedka howlgallada socda ee ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka in uu yahay sidii loo afjari lahaa kooxaha Nabad-diidka.




 “Ujeedka howlgallada socda waa in lasoo afjaro Al-shabaab, duqeyntii ka dhacday gobolka Shabellaha hoose waxaa lagu beegsanayay hoggaanka Al-shabaab,waxana la gaarsiiyay khasaare waana sii socon doonaan howlgalladan” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.




Kulankan looga hadlayay howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa kusoo idlaaday jawi farxadeed iyo duco loo duceeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka si dhibaatada muddada dheer soo jirtay looga baxo.




Waa markii ugu horaysay ee ay dawladda Soomaaliya wakhti sidan u kooban u qabato inay isku soo dhiibaan dagaalyahanada Ururka Alshabaab ee dagaalka kala soo horjeeda, kuwaasoo wali baaqi ku sii ah ka talinta deegaamo badan oo dalka ka mid ah.




Alshabaabs




 



Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com