Tusaale ahaan, shirkada Somaliland Chine Horn Group oo ah shirkada Dib u habaynaysay wadooyinka kusoo wareega Farasmagaalaha Burco oo Faraqa loogu shubay lacag dhan hal milyan ku dhaw ayaa bilawgiiba waxaa wadooyinkii ay waday kashifay qarqarax iyo dilaacyo taasoo ay sababtay inay iyadoo shaqadu ay soconayso ay hadana dib u karkaraan,waxaana keenay taas wadooyinka oo aanay camuudii iyo qashinkii ka gurin walibana biyo dul fadhiyeen taasina ay ku samaysay inay neefsi keento.
wadada isku xidha cadaan iyo Deero Hotel ayaa iyana in badan xidhnayd ka dib markii ay hay’ada DAI ay saluugtay qaabka ay u dhistay shirkada Timacade taas oo sababatay iany wadadu is xidho mudo dhawr Bilood ah. “wadadani way xidhantay xagaana lam soo mari karo xagana lagama bixi karo, dhagaxbaa lagu xidhay muday xidhnayd” sidaas waxa Gobanimonews u sheegay 'Axmed maxamed Dhunkaal oo ka mid ah dadwaynaha gaadiidka wata ee Cabashada ka muujiyey waddooyinka fashilmay.
Dadwayana Reer Burco ayaa shirkadahan ku eedeeyay inay u dhisayaan wadooyin aan tayo lahayn sidoo kalena waxay ku tilmaameen inay shirkadahani qaraabo kiil ku yimaadeen,iyagoo dawlada hoose ee Burcona ka dalbaday inay la xisaabtamaan''
Aqoonyahan Xuseen X.Xasan Geele oo ka hadlaya shirkadahan ayaa yidhi ''Shirkadan Somaliland Chine Horn Group odaygaa leh oo daba ka dhiibtay meeshan wax alaale iyo wax laga sameeyay ma jirto waadigaa arkaya oo way dildilaacday,ee runta hala sheego,odaygu dhagax buu meel dhigaa mid kalena wuu la baxayaa” .ayuu yidhi.
“Meesha markii la dhigayay ayay Biyo lahayd shirkadii ayaa eeda iska leh” sidaasna waxa yidhi ' Cabdi Xamiid Muuse oo ka mid ah bulshada reer Burco.
Dadka reer Burco ee Saluugsan qaabka loo dhisay Waddooyinkan ayaa waxa ka mid ah kuwa aqoonta u leh dhiska, sida Cawil oo ka mid ah Odayaasha reer Burco “Wadadani waxa la saaray 2 CM waxaany ahayd in la saaro 5 CM waanay dildilaacday waad aragtaan”.yidhi oday cawil.
“Sharkadan qanbdaraastay ayaa shaqadeedii khiyaamaysay oo waan laga eegaa” sidaasna wax yidhi muwaadin kale.
Dadwaynaha Reer Burco ayaa waxay aad uga Biyo diideen qandaraaska ay qaadatay shirkada Somaliland Chine Horn Group oo ah shirkadii qaadatay dib u dhiska Garoonka diyaaradaha Hargaysa oo dhaliil badan dawladdu ay ka dhaxashay tayadiisa.
[caption id="attachment_99775" align="alignleft" width="300"]
Dadweynaha oo eeddeyn u jeediyay shirkadaha dhisma wada
Shacbiga reer Somaliland ayaa tilmaamaya inay shirkadani gacan saar la leedahay Madaxtooyada dalka laga xukumo sidaas darteed ay siday doonto ka yeelayso qandaraasyada ay qaadato.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: Axmedmm9@hotmail.com