Tuesday, October 14, 2014

Mid ka mid ah Dhalinyaradii hore ee Burco oo mudane Baarlamaan isu sharaxay

War-Deg-Deg-ahBurco(GNA)-Aqoon yahan Cabdilaahi Xaaji Oktobar oo ka mid ahaa dhalinyaradii hore ee reer Burco ama gobolka togdheer, ayaaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in uu sharaxan yahay Dorashada Barlamaanka Somaliland ee lagu wado in ay dalka ka dhacdo bilaha soo socda.

Sidaasna waxa uu maanta u sheegay warbaahinta Somaliland, isagoo intaasi raaciyay in uu taageero badan ka haysto caaqilada besha reer Cabdale iyo dhalinyaada reer Burco.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in haduu soo baxo jagada barlamaanka Somaliland uu si daacad nimo ah ugu shaqaynayo dad ka reer Somalilnad ee u matalo.

Waxa kale oo uu intaa ku daray inuu buuxin doono Sharuudaha looga baahanyahay “waxaa kale oo halkan ka cadaynayaa in aan taagerro buuxda ka haysto dhamaan beesha maxamed sheekh isxaaq meelkasta oo ay ka degen yihiin gobolka Togdheer iyo dhaliyarada reer burco oo dhan” ayuu yidhi.

Aqoonayahan Abdilaahi xaaj oktobar ayaa baryihii u danbeyey ka shaqaynayey Saaxada siyaasadda Somaliland, tafaftirena ka ahaa mid ka mid ah Shabakaddaha wararka soomaaliga baahiya.

Gobanimonews

Burco Office

Email: editor@gobanimonews.com