[caption id="attachment_93544" align="alignleft" width="300"] MADAXWEYNE CABDI ILAY OO DAGAAL KULA JIRA KU-XIGEENADIISA[/caption]Jigjiga(GNA)- Warar Wargeyska Yool ka helay ilo Diblumaasiyadeed ayaa daboolka ka qaadayaa in Madaxweynihii Ismaamul Goboleedka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar (ilay), lagu qanciyey in uu si madax-bannaan xilka Madaxtinimo ee uu hayo iskaga casilo, kadib waan-waan in muddo ah socotay oo ay iska kaashadeen Dawlada Faderaalka Itoobiya iyo xubno kale oo kale madax-bannaan.
Ma jiraan Warar Madax-bannaan oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Dawlada Faderaalka iyo Maamulka Kililka Shanaad. Hase-yeeshee ilahan Wargaysku Xogta ka helay, ayaa tibaaxaya in marka uu xilka casilo Cabdi Maxamuud Cumar (ilay) loo balan-qaaday in bedelka Jagadaa uu xil Wasiir-nimo ka qaban doono Dawlada Faderaalka Itoobiya.
Wararka Amuurtan la xidhiidhaa waxay intaa ku dareen in xilka ka tegista Madaxweyne ilay ay si buuxda ugu qanceen Masuuliyiinta Dawlada Dhexe Faderaalka Itoobiya, waxana Wararka qaarkood lagu xusay in amuuraha Dawlada Fadeeraalku ku eedeen Md. Ilay ay ka mid yihiin tabashooyin is daba-joog ah oo ay ka muujiyeen beelaha Soomaalida ee ku dhaqan Kililka Shanaad, iyo sidoo kale farogelinta inuu ku dhex milmay Siyaasadaha ka socda Deegaanada Gudaha Soomaaliya qaarkood, sida dhaq-dhaqaaqyadii Siyaasadeed ee muddooyinkan dambe ka socday Deegaanka Saax-dheer oo ka tirsan Deegaanada Somaliland, iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.