Tuesday, September 2, 2014

Jacaylku Sidan Miyuu U Xanuun Badanyahay,Sidan Miyaa La Isigu Khiyaamaa-Qiso Jacayl Oo Dhab Ah...Qalankii Mustafe Caraale


 




Mustafe CaraaleJacaylku sidan miyuu u xanuun badanyahay,Sidan miyaa la isigu khiyaamaa,sidan miyuu u lugooyo badanyahay…Ax ax ax Mustafe hadeed anigu sideen wiil danbe ku aaminaa..? Mustafe Malaga yaaba waxkasta sidan inay ku dhamaadeen..? Muxuuse sidan oo dhan iigu galay aniga Maxaan ka galabsaday wll..? waa hadalo ka mid ah hadalada calaacalka,murugada iyo qiirado ku lamaantahay ee kasoo burqanayay gabadha saynab




Qaybtii 1aad




Sacadu waa 10:30 habeenimo si qunyar ah talaabada ayaan u qaadayaa suuqa bandhtankiisa dhamaan shanqadhu waa mid go’an wax dhawaq ahna dhagtaada Kuma soo dhacayo Shakhsiyaadka kale ee iskaga kala gooshaya wadada badhtankeeda dhamaan wajiyadooda farxada ayaa ka muuqata,Anigana maankaygu waa mid ka fikiraya kaliya mustaqbalka su’aalo badan ayay I waydiinaysaa naftaydu dhamaan si sax ah ayaan uga jawaabayaa Jawigu waa mid aad u macaan laydha macaankeeduna ay weheliso habeenkani isaga ahna cirku waa mid saafiya indhahaaga kor markaad gayso misana ay cirka qabtaan kaliya waxay arkayaan iftiin saa’id ah oo aan sina lagu qiyaasi karin oo samada ka baxaya kuwaasi oo ah nuurka xidigaha




Waxan sii wataa socdaalkayga ku aadan dhankaa iyo xafadayada si aan u fushado qorshayaasha ii yaala habeenkan isaga ah… “Walaal Inanka iga raanli noqo waxyar” Waa dhawaq dhagahaygu si kadis ah u dheehdeen misana aanan garanayn meel uu kasoo yeedhay talaabadii ayaan hakiyay hareerahayga ayaan eegay indhahaygu waxba way qaban waayeen waxan sii watay socodkaygii anigoo iswaydiinaya ayuu ahaa ayaa kula hadlayay hadana iskugu jawaabaya Mustafe adi uunbaa mootay ee cidba kulama hadal,Waxoogaa anigoonan dhaafinba goobtii dhawaqu iiga yeedhay ayaa hadana mar 2aad waxa ay dhagahaygu maqleen isla kalmadihii “Walaal inanka iga raali noqo waxyar” Gadaal ayaan soo fiiriyay hadana hareeraha ayaan eegay misan cidba ma joogto isla codkii aan maqlayay ayaa hadana iga dhahay “Walaal halkan bidixdaada ayaan joogaa” si deg-deg ah ayaan u eegay dhanka bidix waa gabadh meel kaabad agteeda fadhida xageeda ayaan u dhaqaaqay si aan u su’aalo cida ay tahay,waxa wakhtigan kaligeed halkan dhigay iyo sababta ay aniga ii wacaday maadama aanan garanayn gabadha anigoonan su’aalinba su’aalahaa kor ku xusan ayaan maqlay oohin saa’id ah waxoogaa ayaan ka damqaday oohinta gabadhan waxanan isku dayay ka hor intaanan waydiin cida ay tahay iyo waxa wakhtigan kaligeed cidlada dhigay inaan aamusiiyo si aan isku fahano ka dibna aan u waraysto laakiin way ka biyo diiday inay joojiso oohinta aan kala go’a lahayn anigu waan yaabanahay misana garaaca wadnahaygu waa heer sare naxdin daraadeed “Walaal adigoo raaliya waxoogaa isku day inaad I fahanto ood oohinta hakiso si aan kuula hadli karo oo hadii aan ku caawin karo si deg-deg ah kuu caawiyo” Nasiib wanaag markaan hadalkaas ka dhahay oohintii aan xadka lahayn way joojisay waxana na dhex maray waraysigan.




Aniga:Walaal marka hore magacaaga ii sheeg adigoo raaliya..?




Gabadha:Walaal Saynab




Aniga:Saynab ma fiicantahay caafimaadkaagu wakhti xaadirkan sax saw mahan..?




Saynab:Walaal magaran karo si aan ahay




Aniga:Walaal saynab maxaa kugu dhacay…? Kaligaa halkan maxaad ka qabanaysaa…?




Saynab:Walaal wax aan wax ku qiyaaso garanayn ayaa igu dhacay,halkana waxan ka qabanayaa meel aan tago magaranayo magaaladana cid aan u tago kama garanayo




Aniga:Walaal Saynab is daji garabkaaga aniga ayaa taagan wax kasta ood u baahatidna aniga ayaa kuu qabanaya,waxkastoon awoodana waan kugu caawinayaa niyadana khayr u sheeg waxkastana way hagaagayaan insha allah




Saynab:Walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay




Aniga: Haye walaal saynab adigoo raaliya halkeed ka timiday..?




Saynab: Walaal Burco ayaan ka imiday saacad ka hor ayaan imiday magaaladan




Aniga: Walaal saynab mahadsanid laakiin ayaad u timiday halkan..? Danta magaaladan ku keentay maxay ahayd  adigoon cid ka garanayn..?




Iyadoo waraysigayagu halkaa marayo aniguna aan aad uga naxsanahay dhibka gabadhan lasoo darsay ayayba bilawday oohin aan kala joogsi lahayn dadaal dheer ayaan u galay sidii aan u damin lahaa holaca ka baxaya qalbiga saynab anigoo ku rajo wayn inay I fahanto oohinta aan xadka lahayna iska dhaafto ayaan waxan ka dhahay “Saynab oohintu waxa ay sii kordhinaysaa dhibka adiga ku haysta anigoonan wali si cad u fahmin dhibkaagu waxa uu yahay hadana diyaar ayaan u ahayn inaan kula qaybsado dhibaatada kula soo daristay ogawna dunidan aan ku kor noolnahay dhib ka dhamaato laakiin maalmaha ayaa ah kuwo is badal badan caawa saynab dhibaatada ayaad adigu dugsanaysaa laakiin ma sheegi kartid aniguna kama warhayo habeen danbe inaad noqon doontid shakhsiga dunida ugu farxad badan dabcan waxa suurto gal ah aniguna habeen danbe inaan noqdo shakhsiga ugu murugada iyo dhibka badan dunida markaa kaliya samirka badi iskuna day inaad gabi ahaanba soo af jarto oohintan aan wax macno ah soo kordhinayn” xaalku wax uu halkaa maraba markaliya gabadhii saynab waxa kasoo burqaday hadal ah “walaal wax aan kugu mahad celiyo misana aan kugu tilmaamo magaran karo laakiin kaliya waxan aqoonsaday inaa tahay wiil aad u wanaagsan oo dareemi kara dhibka baaxada wayn ee aniga i haysta”




Aniga:haa saynab dhibkaaga waan dareemi karaa laakiin ma aqoonsan karo dhibka ku haystaa waxa uu ku saabsanyahay iyo sida uu kuusoo wajahay markaa fadlan adigoo raaliya kaliya si aan u garwaaqsado dhibaataada isku day inaad si sax ah iiga jawaabto su’aalaha aan ku waydiiyo




Saynab: Walaal Si aan kuugu  jawaabo magaran karo Dhibaatada inta leeg ee iga tan badisayna si aan kugu sheego magaran karo waayo qofkii iigu dhawaa een kaligii dunida ka eeganayay qalbigana aan ugu deeqay ayaa sidan ii galay isaga dartii ayaan halkan u imiday…Ax Ax Ax Mustafe Wax aan sameeyo magaranayo oon ka ahayn inaan ifka iska qariyo




LASOCO QAYBTA 2AAD




Qalinkii Qoraa Mustafe Caraale