Tuesday, September 2, 2014

Dagaalka soo noqnoqday ee Sool iyo sababta Cali Khaliif duurka u galay


Cali Khaliif oo diiday inuu Warbaahinta Somaliland u waramo




 [caption id="attachment_93033" align="alignleft" width="300"]Madaxweyne Galaydh Madaxweyne Galaydh[/caption]Saaxdheer, September 01, 2014, (GNA) – Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha hada ee khaatumo ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababta ku keliftay jabhadaynta iyo dagaalka Somaliland ku eeddeynayso inuu ku soo qaaday dhulkeeda.




Galaydh oo Wargeyska Saxafi oo  xaruntiisu ku taalo Hargeysa la xidhiidhay todobaadkan, ayaa gaashaanka ku dhuftay inuu wax war ah bixiyo.




 Cali Khaliif ayaa doonayay in 28-kii bishii aynu ka soo gudubnay Madaxweynaha maamulka Khaatumo loogu caleemo saaro Tuulaha Saaxdheer oo 75 Km koonfur Bari ka xiga magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.




 Waxaana taasi keentay in ciidamada Qaranka Somaliland ka saaraan halkaas isaga iyo wufuud laga soo daad-gureeyay Soomaaliya. Mr Cali oo aanu shalay Hargeyska kala xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino Ujeedooyinka uu ka leeyahay Jabhadayntan ayaa diiday inuu wax waraysi ah siiyo Wargeyska Saxafi. “Annigu idinma kala aqaan. Wax Waraysi ahna Hargeysa ma siinayee raali ahow” Ayuu si kooban u yidhi isaga oo muujiyay in uu dabcan ka cadhaysanyahay wax kala xidhiidha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo warbaahin Sheeganaya.




Maxaa Keenay Cali Inta aynaan xogaha amuurtan la xidhiidha gelin.




War dhawaan lagu baahiyay wargeys ka soo baxa Magaaladda Stockholm ayaa tilmaamay in Shirkadaha Shidaalka ee dalalka Norway iyo Sweden ay isku haystaan cidda sahaminaysa ceelka shidaalka ee Holhol ee gobolka Sool. Joornaalkan oo ah ka ugu weyn Sweden oo lagu magacaabo Aftonbladet ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlay in dagaaal u dhaxeeyo shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway, dagaalkaas oo ku saabsan shidaalka Somaliland, gaar ahaan aagga Holhol ee u dhow magaalada Laascaanood.




Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International waxay hal goob oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, aaggaas oo ku astaysan “Nogal-1″ oo ah Holhol. Isla goobtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.




 Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey wariye ka socdey jariidadda Aftonbladet asagoo la hadlay dadka deegaanka oo uu tilmaamay inay ka baqayeen in lala soo qaado arrimaha shidaalka.




 Marka laga yimaado damaca Puntland ee dhulka Gudaha Somaliland, waxaa aan Wargeysku taaban xoggo dheeraad ah oo iyana sheegaya in Shirkada Conoco oo heshiiskii hore ee xiligii Soomaaliya ka dulaysaa qandaraasyo ku bixisay in Gobolada Sool iyo Sanaagba laga ilaaliyo wax nabad-gelyo ah oo ka dhacda illaa inta ay helayso jaanis ay ku hirgeliso heshiiskaas, in kasta oo aan warkani si rasmi ah u cadayn oo lagu galay hesiiskan hanaan qarsoon oo toos ahayn., hadana tibaaxuhu waxaa ay muujinayaan in Cali Khaliif sababta isaga oo da’ah tuullo kooban geysay ay la xidhiidha hawlahan shirkaddaha is eryanaya oo uu qayb ka yahay.




Islamarkaana uu isagu xidhiidho la sameeyay shirkadda reer Maraykan ee Conoco.




 Si kastba ha ahaatee dawladda Somaliland oo ay taageerayaan axsaabta mucaaradka ahi ayaa tilmaantay in aanay sinaba u aqbalayn gorgortan la gelayo deegaanadeedda meel kasta oo ay ku yaalaan ciddii doontaaba ha damacdo’e, taasoo marka loo eego muwqifka adag ee Cali Khaliif iyo kooxdiisu taagantahay noqonaysa Mindi-mindi ku tag.