Tuesday, September 2, 2014

Baraawe: Axmed-godane iyo Saraakiil kale oo Duqeymo cirka aj lala eegtay


Baraawe(GNA)-Diyaarado ay leeyihiin Maraykanku ayaa duqeymo ka geystay sal-dhigyo Ururka Alshabaab ku leeyahay Gobolka Shabeelada hoose,




Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa VOA u sheegay in duqeyntani ay ka dhacday meel u dhexeysa degaanada Dhaay-tubaako, Hawaay iyo Sablaale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, halkaasoo la aaminsanyhay inay saldhigyo ku leeyihiin Al-shabaab.




C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa intaa ku daray in duqeyntaas lala eegtay xubno uu ka mid yahay Amiirka Al-Shabaab Axmed Godane balse shabaabku ay ugu yeeraan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).




 “Ragga kale ee loo maleynayo inay ku sugnaayeen goobta la duqeeyay, ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ee Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, Sheekh Maxamed Dulyadeen, Xuseen Dheere iyo xubno kaloo Ajaaniib ah, sida Abuu Ayman, Abuu Nasiis iyo qaar kale” ayuu yiri.




Waxaa uu xusay Siidii in kulanka saraakiisha Al-shabaab ay lahaayeen uu ku saabsanaa sida ay u wajihi lahaayeen gulufka dagaal ee maalmahan ay wadeen ciidamada dowlada iyo AMISOM kaasoo Al-shabaab looga saaray degaano muhiim ah.




Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentegon ayaa laga soo xigtay in Mareykanku duqeyn xaga cirka ah uu ka fuliyay gobolka Sh/hoose goobo ay kaga sugan yihiin hogaamiyaasha Al-shabaab, balse Pentagon-ka Mareykanku ma cadeynin in howlgalkan uu guuleystay ama uu fashilmay.




Ku dhawaad lix gantaal ayaa la sheegay in dayaaradaha Droniska Mareykanka ay ku garaaceen inta u dhaxeysa Sablaale iyo Hawaay oo u dhow degmada Baraawe.




 “Waxaynu sahmineynaa natiijada howlgalkan waxaana soo gudbin doonaa faahfaahin dheeri ah marka ay ku haboonaato” sidaa waxaa yiri afhayeenka Pentegonka mareykanka John Kibry oo saxaafada kula hadlayey Washington.




Warar madax banaan ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay degaanada xalay lagu duqeeyey ku xir-xireen dad fara badan oo isugu jira shacab iyo qaar ka mid ah ciidamadooda oo ay uga shakiyeen iney u basaasayeen Maraykanka, weerarkaasna ku lug lahaayeen.




Al-shabaab weli kama hadlin duqeynta xalay dhacday hase ahaatee maahan markii ugu horeysay ee ciidamada Maraykanku ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Sh/hoose, iyagoo duqeymo noocan ah horey ugu dilay saraakiil ka tirsan kooxdaas oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali