Dadka reer Sool: Waa Gobol ku soo kordhay SSC"
Wasiir Xuseen Axmed Cabdulle : Siilaanyo waa Madaxweyne Cadaali ah"
Hargeysa(GNA)Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cadulle ayaa guul qaranka u soo hoyatay ku tilmaamay talaabadda lagu magacaabay Gobolka XAYSIMO oo Caasimadiisu noqon Doonto magaalada TALEEX, taasoo Madaxweynuhu uu ku ammaanay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Degmada Taleex u aqoonsaday Gobolka, halka uu magacaabay shan degmo oo hoos iman doona.
Tani waxay noqonaysaa talaabo dadka Gobolku si weyn u soo dhaweeyeen, si kasta oo ay ula muuqato "Dadka reer Sool si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen go'aankaas, waxaanay yidhaahdeen waa Gobolkii afaraad"sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Cabdi qani Cismaan oo jooga Laascaanood.
geesta kale, Wasiir Xuseen oo kamid ah Wasiirrada dhalasho ahaana kasoo jeeda Gobolka Cusub iyo gobolada SOOL Iyo SANAAG ayaa war kooban oo uu caawa warbaahinta siiyay, sidoo kale shacbiga Reer Taleex ku bogaadiyay helida guusha gobolka Cusub ee loo magacaabay.
Waxa uu tilmaamay in Xukumadda Maanta ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Silaanyo ay tahay midii u horeysey ee il dheer ku eegta u xaqsooridda Goboladda Dalka taaso buu yidhi si cadaala ah ugu Garsoortay isagoona carabka ku adkeeyay farqiga u dhexeeya sidi ay ka xukumad ahaan haatan uga go'an tahay wax uqabashada gobolada bari oo ay Xukumadihii hore ka gaabiyeen.
Wasiirka ayaa dhowaan qayb ka ahaa socdaalkii Tariikhiga Ahaa ee Wefti Wasiiro xukumadda ka tirsani Ku tageen Deeganadaasi Taleex, kaaso la odhan karo waxa u noqonayaa mid ay ku soo dheehdeen Quluubta shacbiga deeganadaasi.
Source: Wariye Mohamed Yousof Bakayle
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com