Nairobi(GNA)-Somali fara badan oo wali ku xidhan garoonka kubada cagta kasraani magalada nairobi dalka kenya ayaa kacabanaya xaalad dhinaca nolosha ah waxayna sheegen in ciidamada amaanka garoonku kula kacaan jidh dil.
Dadkan ayaa laba bilood ka hor laga qabtay xaafada islii magalada Nairobi, ayagoo xiliga sharci daro ku joogay magalada.
Dadkan ayaa waxay iskuku jiran rag,dumar iyo caruur.
Mid kamida raga ku xidhan garoonka kasraani oo magaciisa kusheegay cabdiqaadir mahamed oo la hadleyeey idaacada bbc-da ayaa wax uu sheegay inuu haysto waraaqo uu wax kaga baran jirey iskuulada magalada Nairobi, hasayeeshe ciidamdu ay ka dideen inay kutix galiyaan warqadahan.
Cabdiqaadir ayaa sheegay inuu xidhnaa muddo hal bil ah, isagoo xusay in markii ciidamada ammaanku soo qabanayeen uu ku sii jeeday xeryaha qaxoontiga dhaadhaab.
”Anniga muddan halkan ku xirana dhibaato darana way na heysata oo waxaa jira ciidanka meesha jooga way na jir-dilaan oo si xun bay nola dhaqmaan,waxan ahaa ardey wax barta oo cadeymihii ban heysta,xata dalkeyga wan ku laaban lahaa haddii ay i fasaxayan”ayuu yiri mid kale oo ka mid ah dadka halkaa ugu xidhan Kenya.
Dadka ku xidhan garoonka kasrani ayaa dowlada kenya kacodsadey inay ku celiso dalkooda hooyo ee somaliya .
Somaaliya, Kenya iyo Hay’adda UNCER ayaa dhawaan ku heshiiyay in si laysku waafaqsanyahay loo soo celiyo dadka soomaalida ah.
Heshiiskaasi ayaa la gaaray bishii la soo dhaafay ee June.
Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay boqolaal Somali ah ka uruuriyay Magaalooyinka dalkeeda gaar ahaan Nairobi, kuwaasoo ay qaar ku celisay dalkooda.
Dawladda Soomaaliya ayaa arrintan ka biyo diiday, waxaanay ku tilmaantay meel ka dhac xuquuqal aadame.
Abdirahmaan buurdhaab
Gobanimonews
Nairobi Office