Fifa ayaa shaaca ka qaaday inay baadhayso sidii uu ku yimid dhaawaca Jabka laf dhabarta ah ee ciyaartii Jimcihii ee rubuc dhamaadka koobka aduunka ee sababtay in tartanka uu ka baxo xidiga xulka qaranka Brazil ee Neymar.
Difaacyahanka xulka qaranka Colombia , Juan Camilo Zuniga ayaa kula dagaalamay kubada xidiga Brazil isagoo xaga dambe cadaadis ka saaray wakhti ay ciyaartu dhamaad ku dhawayd, taas oo keentay in dhaawac dhabarka ka soo gaadho Neymar.
Zuniga ayaa ku adkaystay inaanu u dan lahayn inuu dhaawac gaadh siiyo Neymar kubaddii uu ku qabsaday, iyadoo aan kaadhadhka huruuda iyo casaanka ah midna lagu siinin, laakiin Fifa ayaa sheegtay in gudigeeda anshaxu dabagalayaan oo eegayaan bal in shilkaas uu ula kac ahaa iyo in kale.
“Gudiga anshaxa ayaa eegaya oo baadhaya xaaladaas, in la dardar galliyo degenaan ku ciyaaristu waa arin muhiim ah waxaanan doonaynaa inaanu ka hor tagno in falal xun xuni ka dhex dhacaan garoomada gudahooda,” Ayuu yidhi madaxa saxaafada ee Fifa, Delia Fischer
In kasta oo uu ciyaaryahan Zuniga cod sare ku sheegayo inuu daacad ka ahaa falkaasi, hadana xidigii hore ee Brazil, Ronaldo ayaa tilmaamay in difaacyahanka xulka Colombia la dacwaynayo.
“Isku dhacaasi wuxuu ahaa mid dagaal uu ka muuqday – Waxaan rumaysanahay in ulajeedo uu lahaa ciyaaryahanka Colombia oo uu doonayay inuu wax ku dhaawaco,” ayuu saxaafada ku Yidhi Ronaldo isagoo jooga Brazil.
Xidigaha iyo Taageerayaasha xulka Brazil ayaa ilaa hadda ku urursan cisbitaalka Lagu dawaynayo weeraryahanka Naadiga Barcelona.