Puntland oo 1 June looga aqoonsaday Masiibada xadista Kalluunka iyo isbedel Gaas ku sameeyey qorshihii la-dagaalanka Budhcad-baddeeda ..Akhri wareegto
Boosaaso(GNA)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Masiibo qaran u aqoonsaday Jilaabashada Sharci darada ah ee lagu hayo xeebaha dalka Soomaaliya.
Kalluumaysiga Sharci darada ah ee Xeebaha Soomaaliya ayaa ah Mushkilad wakhti dheer soo jiitamaysay oo aan maaro loo helin, taasoo xaalufisay Khayraadka ku jira Biyaha somaliya.
Xeebaha Soomaaliya ayaa ah kuwa ugu dheer waddamada Bariga Afrika, waxaanan dhererkeedu gaadhayaa 3333KM oo dherersan Raaskaabooni ilaa iyo Lawyo-caddo.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalo xeebeedka Boosaaso oo uu booqasho ku joogo, ayaa iclaamiyey go’aan lagula dagaalamayo Kalluumaysiga Tuugada ah.
“Kalluumyasiga sharicdarrada ahi waa mushkilad caalami ah oo dhibaato weyn kuhaysa waddamo badan oo xeebaley ah, Soomaliyana ka mid tahay”ayuu yidhi Gaas .
“Iskudar, waxaa adduunka laga xadaa kalluun qiimihiisa lagu qiyaasay sannadkii inta u dhaxaysa afar (4) ilaasagaal (9) billion oo dollarka Maraykanka ah.
Waddamada ka hooseeya Saxaraha, oo ay Soomaaliya kujirto, waxay ku waayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah lacag dhan hal (1) billion oo dollar sannadkii.
Sidoo kale, Soomaliya kaligeed waxaa laga dhacaa kalluun qiimihiisu gaarayo 300 million oo dollar sannadkii,sida ay muujinayaan warbixinno caalami ah oo meelo kaladuwan ka soobaxay.
Nasiibdarro, lacagahaan looma qiimayn qalabka laga burburiyo kalluumasatada, kalluunka laga daadiyo, Dhibaatooyinka soo gaara degaanka iyo saamaynta xun ee ay kuleeyihiin nolol maalmeedka bulshooyinkaas”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweyne Gaas oo Saxaafadda loo qaybiyay wareegto uu ka soo saaray xadista Khayraadka Baddaha, ayaa sii sheegay:
Haddaba:
Markaantixgeliyey,talosoojeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga· &Kheyraadka Badda,
Markaan soo arkay dhibaatooyinka kajira deegaannada xeebaha ee uu keenay kalluumaysiga sharcidarrada ah,·
Markaan tixgeliyey cabashada iyo qeylodhaanta ka soo yeeraysa bulshooyinka xeebaha deggan iyo hey’adaha ku hawlan ilaalinta degaanka iyo tashiilka noolaha badda,
Markaan arkay qaraarrada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la dagaallanka kallumaysiga sharcidarrada ah,Soomaaliyana ay qeybkatahay,
Markaan ogaaday boobka iyo dhaca lagu hayo kheyraadbadeedkeenna iyo· cawaaqib xumada kadhalankarta haddii aan si degdeg ah wax loogaqaban.
Waxaango’aamiyey:
In lagabilaabo shalay (01/06/2014),DawladdaPuntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran”,
In loo jiheeyo awoodda Dawladda iyo bulshada reer Puntland la dagaallanka kalluumasiga sharcidarrada ah,
In lala tiigsado sharciga cid allaaliyo cidii (Soomaliiyo ajnebiba) ku hawlan kalluumasiga sharcidarada ah biyaha Puntland,
In Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Baddu ay meelmariso xeerarka kalluumaysiga Puntland,sida ugu dhakhsaha badan.
In ciidanka ilaalada baddu uguto waa jibaadkooda ku aaddan la dagaallanka kalluumaysiga sharcidarrada ah,kana hawlgalo dhammaan biyaha Puntland .
Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo waddammada aan saaxiibkanahay in ay gacan nagu siiyaan dagaalka kadhanka ah kalluumaysiga sharcidarrada ah”.
Puntland hore
Puntland ayaa ka mid ah meelaha dadku sida weyn ugu tiirsanaayeen Kalluumaysiga, hase ahaatee waxa sanadihii ugu dambeeyay mushkilad ka abuuray deegaamada ugu wanaagsanaa dhanka Kalluumaysiga Kooxo Budhcad baddeed ah oo boqolaal markab ka qafaashay xeebaha Kulaala Soomaaliya, siiba Gobollada dhexe.
Markii ay budhcadbaddeednimadu ku baahday xeebaha Gobolka ayaa waxa ay boqolaal Kalluumayste ku biireen Kooxaha Maraakiibta qafaashada, taasoo hoos u dhigtay xoogsigii Jilaabashada Kalluunka.
Mashruuca la dagaalanka Budhcadbaddeeda ayaa ka mid noqday waxyaabaha ay Dalalka Gobolku dhaqaalaha buuran kaga helaan Jimciyadaha Taageerada siiya, taasoo labaysay la-dagaalanka Argagixisada.
Maamulkii xilka ku wareejiyey ee Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhaqaale badan kaga heli jiray duwalka Caalamka Gulufka lagula dagaalamayo qowlaysatada ka dilaacday Badaha Soomaaliya. Hase ahaatee sida ka muuqata hadalka Madaxweyne faroole, waxa muuqda inuu bedelayo yoolkii noocaas ahaa.
Go’aanka Madaxweynaha Puntland ayaa waajahaya mushkilad badan oo laga gungaadhi karo marka ay ciidamada ilaalada xeebaha iyo Maamulka sare ee dawladda oo ah meesha ogolaanshiyaha ay ka helaan kuwa Maraakiibta jariifka ah kaga kalluumaysta Xeebaha dalkan.
Waxa kale oo arrintan lagu soo afjari karaa marka ay Maamullada ka jira dalku iska kaashadaan la dagaalanka Kalluumaysiga sharci darada ah, iyagoo ku bedelaya iskaashiga ay ka leeyihiin la dagaalanka Budhcad baddeeda.
Khubaradda Khayraadka badaha ku takhasuusay ayaa aaminsan in hadii meesha laga saaro Kalluumaysiga sharci darada ah, ay yaraanayso falalka Budhcad badeednimadu.
Aragtidan ayaa waxay badhitaaraysaa doodda kooxaha Budhcad baddeedu halkii ay ka bilaabantay oo ah inay Khatarta noocaas ah iyo qowlaysiga bilaabeen markii meelihii ay ka kalluumaysan jireen ay maraakiib shisheeye oo jariif ahi ku qabsadeen.
Laakiinse arrintan dareenka ugu weyn abuuraysa ayaa ah, damiir la'aanta dadka u dhashay dalkan tuugada intaas le'eeg lagu hayo ee iyagana dagaaladda iyo duruufaha dhaqaale ee isu barkaday kala badh in ka badan noloshooda saameeyaan sanad walba.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com