Mandheera(GNA)-Xiisad ayaa ka aloosan magaalada mandheera ee gobolka waqooyi bari kenya kadib markii halkaas lagu diley labo nin oo kamid ahaa culimada magaladasi.
Dad badan oo cadhaysan ayaa xiray wadooyinka magalada, iyagoo dowlada ku edeeyey inay bartilmaamedsanayso culimada magaladan.
Booliska kenya ayaa sheegay in labadan nin ay katirsan yihin ururka alshabaab.
labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii ururka alshabaab weerer ay ku qadeen tuulo ah agagaarka magalada mandheera ku dilen dhowr askari oo katirsan booliska Kenya.
Dagaalyahanada Alshabaab ee weerarka qaaday ayaa sidoo kale la tagay baabuur ay lahayeen ciidamada Kenya.
Xaalada magalada mandheera ayaa ah mid kacsan wixii ka dambeeyey markii dilku dhacay.
Cabdiraxmaan Buur-dhaab
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: buurdhaab4@gmail.com