Monday, June 2, 2014

Eng. Cabdilaahi Ducaale oo la kulmay Safiirka Dawladda Kenya u fadhiya Canada


Ottawa(GNA)-Guddoomiyaha dhalinyarada Somaliland ee Ottawa, ahna Guddoomiyaha Ottawa  ee Xisbiga WADDANI  Abdillahi Dualeh Mohamed. ayaa sheegay inuu la kulmay Safiirka Dawladda Kenya u fadhiya CANADA oo ku marti-qaaday xuska  sanad guurada 50-aad ee markii dalkaasi xoriyada ka qaatay Ingiriiska.abdul waddani




Waxa uu sheegay inuu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal ee dhanka horumarka.




Sarkaalkan waddani ka tirsan ayaa sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyey Gobanimonews, kaasoo u dhignaa sidan:-




“Anigoo ah Eng. Abdillahi Dualeh Mohamed ahna gudoomiyaha dhallinyarada Somaliland ee Ottawa isla markaana ah gudoomiyaha  garabka dhallinyarada ee xisbiga WADDANI  ee laanta Ottawa, waxan martiqaad ka helay safiirka dalka Kenya u fadhiya dalkan Canada, Magaaladan Ottawa oo u dabaaldagaya sannad guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay markii dalka kenya ay Xoriyadeeda ka qaadatay dalka Boqortooyada Engiriiska.




Safiirka iyo madaxda kale ee martiqaadka ii fidisay waxanu ka wada hadalay sidii labada dal (Somaliland iyo kenya) wax uga wada qabsan lahaayeen dhinaca horumarka iyo iskaashiga.




Waxan u mahadnaqayaa safiirka Kenya ee martiqaadka ii fidiyey, waxa kale oo aan salaan sare u dirayaa shacabka reer Somaliland , Ciidanka qaranka iyo madaxda qaybaha qaranka Somaliland ka kooban yahay oo dhan.10418439_10150391286664995_5459451638286285536_n(1)




 Alla Mahad leh




Eng. Abdillahi Dualeh Mohamed,




Gudoomiyaha dhallinyarada Somaliland Ottawa, Canada ahna




Gudoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, Canada