Hargeysa(GNA )Axmed Cali Muuse Oo ka mid ah Masuuliyiintii Urur_Siyaasadeedkii Xaqsoor,kana mid ahaa Musharixiintii Doorashadii Golaha Deegaanka uga qayb galey Degmada Hargeysa.
ayaa Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Ugu baaqay in aan dadka iyo Dalka lagu jaho wareerin Khilaafka Xisbiga kulmiye,waxaanu tilmaamay in uu dalku uu maanta u baahan yahay in la badbaadiyo,
Axmed Cali Muuse sidaasi waxaa uu ka sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadley Caasimada Hargeysa.
Axmed Cali Muuse Waxaa uu carabka ku adkeeyey in ay maanta dalka ka jirto xaalad adag oo dhaqaala xumo taasina ay sabab u tahay Xukuumada Madaxweyne Silaanyo iyo Xisbul xaakimka Kulmiye.
Axmed Cali Muuse waxaa uu Bulshada reer Somaliland Ugu baaqay in ay nabad galyada ilaashadaan,dhinacna uga soo wada jeestaan wax kastoo dalka u horseedi kara Xasilooni daro,si aanu dalku u raacin loo lanka Siyaasadeed ee dalka ka jira mudooyinka dambe.
Waxaanu sheegay ka Urur Xaqsoor ahaan in ay ilaalinayaan Nabad galyada dalka,waxaanu Nasiib daro ku Tilamamay qabyaalada Beelaysan ee Xukuumada Silaanyo Soo Nooleysay.
Dhageyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-axmed-Cali-Muuse.mp3"][/audio]