Chelsea ayaa qiimaha Cesc Fabregas kala heshiisay kooxda Barcelona, xili kooxaha Man United, Man City & Arsenal ay isaga hareen loolanka ay ugu jireen saxiixa xidigaan heerka caalami sida uu shaaca ka qaaday Graham Hunter.
27-jirkaan heerka ayaa lasoo warinayaa inuu ku dhaw yahay ku biiritaanka kooxda Blues kadib markii labada kooxood ay ku heshiiyeen 30 Malyan oo Pound.
Gunners, Chelsea, Manchester City & Manchester United ayaa ku hungoobaya saxiixa xidigaan xili qabiirka ciyaaraha spain ee Graham Hunter uu tilmaamay.
Graham Hunter ayey talkSPORT weydiisay sida ay u muuqato xaalada Farbegas iyo kooxda uu ku biiri karo wuxuuna ku jawaabay: “CHELSEA”
“Barcelona waxey qiimo rikoor ah ku iibsaneysaa Fabregas iyadoo kala heshiineysa Chelsea, balse waxaan la ogeyn in Fabregas uu aqbali doono inuu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho”
“Waxaa jira isku dhacyo hore iyo dhaleeceyno ay hawada isku mariyeen Fabregas iyo Mourinho waqtigii Jose Mourinho uu ku sugnaa Real Madrid, arintaasna waxaa laga yaabaa iney badasho xaalada haatan la qiimeynaayo”
Barcelona waxey isku diyaarineysaa saxiixa KOKE si ay badal ugu dhigto Fabregas.
Fabregas oo 2011 dib ugu soo laabtay Camp Nou ayaa dhaliyay 8-gool, 13- goolna caawiyay 36-kulan oo uu ciyaaray La Liga xili ciyaareedkaan.